Calendar

Dabley hubaysan oo dishay haweenay guddoomiye ku xigeen ka ahayd degmada Yaaqshiid

DahirPixDabley bastoolado ku hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay degmada Yaaqshiid guddoomiye ku xigeenkii degmadaas oo ahayd haweeney lagu magacaabi jiray, Raxmo Daahir.

Dilkan oo aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa ayaa waxay xubno ka tirsan maamulka degmadaas ku eedeeyeen Al-shabaab, iyadoo howlgal lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay dilkaas uu ka socdo Yaaqshiid.

Haweeneydan ayaa lagu toogtay meel ku dhow isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid, iyadoo kooxihii weerarka geystay ay u suurogashay inay halkaas ka baxsadaan.

Muxyadiin Xasan Jurrus Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid oo si kooban uga hadlay dilka ku xigeenkiisii ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii weerarkaas ka dambeeyay, lana horkeeni doono sharciga.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: