read more »">
Calendar

Weerarada lagu hayo ganacsatada Soomaalida oo kasii socda waddanka Koonfur Afrika

2523578806_b6a6e2c6c2Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu dilay waddanka koonfur afrika oo wax caadi ah ay iska noqdeen weerarada isir nacaybka ah ee loo gaysanayo Soomaalida waddankaas ku leh ganacsiyada.

Ugu yaraan 10 dukaan ayaa iyagana dhac loo gaystay kadib markii dadweyne iyo kooxo burcad ah oo iskaashanaya ay weeraro ku qaadeen goobo ganacsi oo Soomaali leedahay kadib markii ganacsade Soomaaliyeed uu toogasho ku dilay mid kamid ah burcad soo weerartay dukaankiisa.

Waxaana kadib toogashadaasi bilowday weeraro ay shacabka iyo burcadda oo ka faa’iidaysanaysa ay ku dhacayeen dukaamada Soomaalida taasoo ka dhacday caasimadda waddankaas ee Pretoria.

Weerarradan cusub ee ka socda caasimada dalkaas oo lagu bartilmaameedsanayo Soomaalida ayaa muujinaya in xaalada ammaanka ee dalkaas ay faraha ka baxday.

Caalamka oo dhan ayay Soomaalidu bishii lasoo dhaafay ka sameeyeen dibadbaxyo looga soo horjeeday dil naxariis darro ahaa oo loo gaystay wiil Soomaaliyeed, kaasoo ay dadweyne u dhashay waddankaas nafta kaga qaadeen meel fagaare ah iyagoo la dhacaya dhagaxyo waaweyn ayna daawanayeen shacabku.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: