Calendar

Dowladda Turkey oo ka qeyb-qaadaneyso dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo Waxbarashada

Dowladda Turkiga ayaa balan qaaday dhismaha iyo tayeynta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, oo mudadii dalka bur-bursanaa aan helin tababar wanaagsan.

Sida uu sheegay afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdi Wali, kulan ka dhacay dalka Turkiga oo ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda dalka Turkiga, ayaa lagu soo hadal qaaday tayeynta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Turkiga iyo Dowladda Soomaaliya sanadkii hore waxaa dhexmaray heshiis ku saabsan dhanka gaashaandhiga oo dhexmaray labada wasaaradood ee difaaca dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Arimaha kale ee la isku soo hadal qaaday ayaa wuxuu sheegay inay tahay in Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya laga caawinayo dhanka Isgaarsiinta iyo horumarada kale ee dalka.

Ugu dambeyn afhayeenka Xukuumadda ayaa sheegay in Turkiga waxyaabaha kale ee uu balan qaaday ay qeyb ka tahay arinta ku aadan, waxbarashada, maadaama arday badan oo Soomaaliyeed ay dalkaasi wax ka bartaan.

Dowladda Turkiga ayaa kaalin muuqata waxa ay ku dhexleedahay siyaasada dalka Soomaaliya.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Bartamaha Forum, Featured.
« »

Comment: