Calendar

Ethopia oo sheegtay in ay cadeemo u heysto in Eritrea ay taageerto Al-Shabaab

Tedros Adhanom oo ah wasiirka arimaha dibada dalka Ethiopia ayaa sheegay in ciidamadiisa ay ka baxeen magaalada baydhabo, isagoo arinta ka bixitaanka ku micneeyay in amaanka Soomaaliya uu soo hagaagayo oo ciidamada dowlada ay awoodaan inay la wareegaan sugida amniga.

“ka bixitaanka magaalada Baydhabo wuxuu ahaa mid la qorsheynayay ku dhawaad sanad,laakiin ciidamada AMISOM ayaa soo daahay, waxaan hadda ku faraxsanahay in si wanaagsan loo soo qaabeeyay ka bixitaankeenii, lana buuxiyay booskii aan ka baxnay oo ay galeen ciidamada Soomaaliya”ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Ethiopia oo la hadlay wakaalada Rueters.

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada Ethiopia ayaa sheegay in ujeedada ay kaga soo baxeen deeganadi ay ku sugnaayeen inay tahay in kalsooni uu ku qabo in ciidamada dowlada ay awoodaan inay buuxiyaan deegaanada ay faarujiyaan ciidamadiisa.

Dhanka kale Tedros Adhanom ayaa ka hadlay hadalkii kasoo baxay gudiga dabagalka cunuqabateynta saaran Soomaali iyo Eritrea wuxuuna sheegay in Alshabaab ay taageerto dowladaasi.

“Waxaan heynaa cadeymo buuxa oo ku aadan in Eritrea ay taageerto Alshabaab ayna sii wado, waxaan u malaynayaa in hayadaha caalamiga qaadan doonaan talaabo arintaasi ku aadan”ayuu hadalkiisa ku daray Tedros Adhanom.

Eritrea ayaa kasoo horjeesatay eedeynta kaga timid QM gudiga u qaabilsan cunuqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Bartamaha Forum, Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: