read more »">
Calendar

Hawlgallo balaaran oo lagu sugayo ammaanka oo ka soconaya Kismaayo

121002-kismayo-somalia-kb-145p.photoblog600 Ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland ayaa xirxiray tiro dad ah oo lagu soo qabqabtay howlgallo maalintii labaad ka soconayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Howlgalladan oo ah kuwo ammaanka lagu xaqiijinyo ayaa bilowday shalay kadib markii magaalada ay ka dhaceen falal isugu jira dilal iyo dhac loo geystay dad rayid ah, waxaana saraakiisha ciidanka ay sheegeen in si deg deg ah wax looga qaban doono ammaanka.

Taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo Max’ed Buulle Sugow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgallo maalintii labaad ka soconayo magaalada Kismaayo ay kusoo qabqabteen rag si sharci darro ah hub ugu dhex sitay magaalada.

Weeraro iyo falalka ammaan darrada ahaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku siyaaday Kismaayo oo u ka taliyo maamulka Jubbaland oo aan ilaa iyo haatan wax aqoonsi ah ka haysan xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: