Calendar

Khaatumo oo ku eedaysay Somaliland inay si sharci darro ah ku joogaan dhulkooda

karaashMaamulka Khaatumo ayaa si kulul u weeraray Soomaaliland oo ay ku tilmaameen inay si sharci darro ah ku joogto dhul aysan lahayn oo ka tirsan maamul goboleedka Khaatumo waa sida ay hadalka u dhigeene.

Waxayna Khaatumo sidoo kale beeniyeen warar ay horay saxaafada Soomaaliland ugu soo bandhigtay oo muujinayay ciidamo ballaaran oo ka goostay Khaatumo isuna dhiibay Somaliland.

Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash”oo ka mid ah golaha Madaxtooyadda ee Khaatumo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay jiraan labo baabuur oo dagaal oo si beel ahaan loo kaxaystay balse beeniyay muuqaalladii ay Soomaaliland saxaafada u soo bandhigtay.

Waxaa uu sheegay in aysan lahayn ciidanka iyo hubka Soomaaliland ay sheegayso oo yihiin kuwii ay isku waardiyaynayeen iyagu maadaama ay joogaan dhul aysan lahayn.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: