Calendar

Howl-gallo Dad Lagu So0o Qab-qabtay Oo Saakay Kadhacay Dagmada Warta Nabadda

Howlgal dad badan lagu soo qabqabtay ayaa saakay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM waxaa ay ka sameeyeen degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada howlgalka sameynayay oo gudaha u galayay guryaha ayaa waxa ay ku soo qabteen howlgalkooda dad gaaraya 300 oo qof badankoodna la sheegay inay ahaayeen dhalinyaro,

Mid kamid ah wariyayaasheena oo ku sugan degmada Warta Nabada ayaa soo sheegay in howlgalka uu saameyn ku yeeshay dadka ku dhaqan degmada, waxa uuna xusay wariyaheena in ciidamada dadka ay howlgalka ku soo qabtaan in ay isugu geynayeen goobaha barxadaha ah ee degmadu ay leedahay.

Intii uu socday howlgalka ayaa waxaan jirin wax isu socod ah oo degmada ka jiray ayadoona ciidamada si koox koox ah ay u taag naayeen wadooyinka soo gala iyo kuwa jid cadayaasha ee degmada Warta Nabada.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo ku aadan howlgalkii saakay ay ka sameeyeen degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho, ayadoona howlgalkani uu qeyb ka noqonayo howlgalo maalmihii lasoo dhaafay ka socday degmooyinka gobolka Banaadir.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: