Calendar

Idaajaa iyo VOA oo la wareegay maalinta Arbacada

Sabriye Macallin Muuse sabkaxaaji@hotmail.com

Tan iyo markii ay VOA-da laanteeda afka Soomaaligu ku oo biirtay fagaaraha idaaacdaha af-Soomaaliga ku hadla, waxaa isa soo tarayay dagaal xagga hirarka hawada ah oo u dhaxeeya iyada BBC-da. Inta badan dagaalkan ayaa ku koobnaa kala xodxodashada warfidiyeenada aad looga yaqaan Soomaalida dhexdeeda. Waxaa markii ugu horraysay dhacday in shaqaalaha labada idaacadood ay helaan fursad ay ku gorgortamaan xirfaddooda warfidiyeenimo. Waxa hadda muuqata in qaar weriyeyaashaas ka mid ahi ay heleen xaalado ka wanaagsan tii hore ay ugu sugnaayeen, halka qaar kalena ay ka dhicisowday digo-rogashadii.

Idacadda VOA-da oo bilihii la soo dhaafay ay hadheeyeen cabashooyin ka soo yeedhayay qaar ka mid aha shaqaalaheeda, ayaa u muuqata mid hadda ku dadaalaysa in ay hoggaanka u qabato ama kaalimaha hore ka gasho idaacadha af-Soomaaliga ku hadla. Waxaa barnamijyada u gaarka ah ka mid ah doodda gaaban, ra’yiga dhageystayasha iyo barnaamijkii ugu danbeeyey ee ay Voa-du daaha ka rogtay oo ah” Dhaqanka iyo Hiddaha”. Kaas oo uu soo bandhigay rug caddaaga dhaqanka iyo murtida Soomaalida, Md. Axmed Faarax Cali “Idaajaa”. Barnaamijkan oo iminka bilow ah ayaa dad badan soo xusuusiyay barisamadkii Soomaaliya. Xilligaas oo uu Idaaja barnamij kan la mid ah ka soo tebin jiray idaacaddii qaranka ee Radio Muqdisho. Barnaamijkan ayaa runtii u muuqda mid ay dad badani xiiseeyaan oo ay aad u dhawraan maalinta Arbacada.

Axmed Idaaja waa cilmi baare ku sameeyay daraasad dheer, kana qoray taariikhada iyo guud ahaanba sugaanta Soomaalida buugag dhowr ah. Waa nin looga bartay barnaamijyo si wacan loo soo agaasimay oo dadka aad u soo jiita, dibna u soo nooleeyey facweynida iyo mudnaanta uu leeyahay dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.

Idaaacada BBC-da oo in muddo ah keligeed u sarreysay dhegeystayaasha ayaa wax ay u muuqataa in waagu ku baryay. Waxa soo shaac baxday in BBC-da ay ka dhamaatay awooddii halabuurnimadu oo ay daba galaan marba wixii Washington ka soo burqada. Tusaale ahaan , waxa beryahan BBC-du bilowday in ay soo gudbiso ra’yiga dadweynaha. Taas soo ah arrin VOA-da lagu bartay, waxaana kale oo ay bilowday barnamijyo fanka iyo Dhaqanka ku saabsan. Barnamijyadaas ayaa qaarkood laga soo qufay Kaydka da’da weyn e BBC-da, halka kuwa kalana si aan nidamsanayn looga soo duwo magalooyin kala duwan oo caalamka.

Runtii arrintani wax ay kor u qaadi kartaa tayada idaaacadaha af-Soomaaliga ku hadla, waayo in muddo ah malaha BBc-du waxay aaminsanayd in Soomaalida xiiseeeya dhagaysiga idaacaduhu ay ku khasban yihiin in wax walba oo ay sii dayso ay dhagaystaan.

Ugu danbayntii waxaan u hambalyaynaynaa VOA-da oo u muuqata mid isku dayaysa in ay dhegeystayaasheeda u soo bandhigto barnamjiyo xiiso leh oo tayo wanaagsan. Idacadaha kale ee af-Soomaaliga ku hadlana oo BBC-du ka mid tahayna waxaan leenahay hurdada ka kaca oo barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen.

Yuusuf A. Geelle

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles.
« »

Comment: