Calendar

Xildhibaan isku sharaxay Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka.

xildhiuBartamaha(Muqdisho):-Xildhibaan ka mida Golaha Baarlamaanka ayaa maanta si rasmi ah isugu soo taagay xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.
Xildhibaan Axmed C/laahi Xuseen Sheekh Fanax ayaa maanta si rasmi ah isugu soo sharaxay Gudoomiyanimada Baarlamanka Soomaaliya markii dhawaan buuq ka dib uu is casilay Sheekh Aadan Madobe.
Xildhibaan Fanax oo qoraal ka soo saaray Maanta Muqdisho ayaa ku cadeeyay sababta uu isugu soo taagay xilka Gudoominimada Baarlamanka.
Sheekh Fanax ayaa ahaa nin ka mid ahaa Isbhaysigii Dib U xureynta waxa uuna mnaanta si mrasmi ah isugu soo taagay Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka oo dhawaan la dooranaayo.
Xildhibaankan Wadaadka ah ayaa waxa uu noqday masuulkii ugu horeeyay ee xilkaasi u soo hanqal taaga waxaana uu taageera badan ku yeelan karaa xildhibaanadii ka yimid dhanka Madaxweynaha ama Golihii Isbahaysiga.

Cadaynta Musharaxa:-

 musharax-fanax1

Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Press Release, Wararka Maanta.
« »

Comment: