read more »">
Calendar

Sawirro: Ra’iisul wasaaraha Somaliya oo xalay kullan la qaatay Hobalada Waaberi

Muqdisho_ Ra’iisul wasaaraha dowlada Somaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo uu weheliyo wasiirka warfaafinta Mustaf dhuxulow ayaa habeenkii xalay Muqdisho kullan kula qaatay faanaaninta Wabeeri.

Kullanka oo ay kasoo qaybgaleen Fanaaniin, Abwaano, Mulaxamaystayal iyo muusikiistayaal, ayaa waxaa kamid ahaa fanaanada Hibo Nuura oo muddo dalka kamaqned, Maxamed Xuseen Lafoole, Abwaan Xasan Barrow, Maki Xaaji Banadir, mujaajilayste Ilka case iyo xubno kale.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa fanaaninta kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen wacyigelinta dadka, loona soo noolaynlahaa fankii Somaliya.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sigaara uga codsaday Fanaaninta Waaberi inay xooga saaran sidii ay bulshada uga wacyigelin lahaayeen kawaantobida Burcad badeednimada iyo falalka Araga gixisinimada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dar daarmay fanaaninta inay la yimaadan hal abuur cusub, gaar ahaana ay sameeyaan heeso bulshada loogu ifinayo khayradka  dalka iyo sidii looga faa,idaysan lahaa.

Fanaanada Caanka ah Hibo Nuuro oo ku hadashay afka hobalada Waaberi ayaa ku amaantay xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdiweli dowrka ay kaqateen sidii Maamuus Qaran loogu samayn lahaa Fanaankii geeriyoday Maxamed Sulaymaan Tubeec.

Hibo Nuuro ayaa intaasi raacisay inay diyaar uyihiin sidii ay bulshada uga wacyi-gelin lahaayeen yagleelida qaranimada Soomaliya.

Maalintii shalay ayaa magaalada Muqdisho Aas Ballaaran loogu sameeyay AHN, marxuum Maxamed Sulaymaan Tubeec, waxaana Aaskisa kaqaybgalay Ra’iisul wasaaraha Somaliya.

2014317635306204137738584IMG_9498 2014317635306204851732894IMG_9508 2014317635306205037132269IMG_9519 2014317635306205167755480IMG_9527 2014317635306205245142464IMG_9529 2014317635306205334407109IMG_9531 2014317635306205540046771IMG_9545 2014317635306206042058730IMG_9603 2014317635306206060701071IMG_9613 2014317635306206981406473IMG_9637

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: