Calendar

Saxafiyiinta Al-cimra oo Shahaado Sharaf Gudoon siiyay Macalinkooda Maxamed Cusmaan New York.

SHAHAADADAXaflad shahaado sharaf lagu gudoon siinayay saxafi rugcadaa ah, isla markaana ah Macalin Saxaafadeed MAXAMED CUSMAAN XUSEEN(NEW YORK) ayaa lagu qabtay hotelka Andulus ee Magalada Nairobi.

Xaflada oo ay soo qaban qaabiyeen, isla markaasna ay shahaado sharafta soo diyaariyeen saxafiyiintii ka qalan jabiyay Ex Al-cimra Baranch one Labo dhagax, ayaa waxaa ka qeyb galay marti sharaf ka kala socday Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Prof. Xildhibaan C/raxmaan Xaji Adan Ibbi oo hadal ka jeediyay Xaflada ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay garashoda fiican ay la yimaadeen Saxfiyiinta Al-Cimra. Waxaana uu intaa ku daray in ay aad u wanaagsan tahay in macalinka ku wax baray la sharfo.

Khabiirka saxaafadeed , Xasan Kuuriya oo isna ka hadlay xaflada ayaa ugu horayn saxafiyiinta kula dar daarmay in ay ilaaliyaan af Soomaliga.

Xasan Kuuriya ayaa uga hanbalyeeyay Macalin Maxamed Cusmaan Xusen New York shahaada shrafta la gudoon siinayay.

Waxaana uu sheegay in Macalin New York uu yahay qofkii ilaaliyay in wadanka ay ka sii jirto mihnada saxaafada maadaama uu soo saaray tiro aad u fara badan oo saxaafada meel wanaagsan kaga jira.

Kaaliyaha mid kamida ah Xildhibaanada dalkan Kenya, Axmed Gardhaale, ayaa isna macalin Maxamed Cusman New York uga hanbalyeeyay sida ay saxafiyiinta Al cimra u sharfeen. Waxaana uu meesha ka xusay in wax lagu farxo tahay arday macalinkooda sidaan u weynaynaysa.

Mudane Gardhaale ayaa aad u amaanay saxafiyiinta Al cimra ee xafladaasi soo qabanqaabiyay, lahaana fekerka sharfida Macalikooda.

Cali Baashi oo kasocday ururada Bulshada rayidka Soomaliyeed ayaa isna amaanay kaalinta uu Ustaad Maxamed Cusmaan New Yorka kaga jiro saxaafada Soomaaliyeed.

Ubax Cabdi Nuur (Sagal) oo ku hadlaysay magaca gabdhaha saxafiyiinta Al cimra Branch One Laba dhagax ayaa sheegtay in aanay ilaabi Karin sida fiicnayd ee wax loo baray, isla markaasina ay macalinkeeda u rajaynayso horumar meelkasta uu dunida ka tago.

Cabdi qadar Filibiin oo ah saxafi ka qalan jabiyay iskuulka ahna ayaa taariikh koban oo kusaabsan marxaladihii uu soo maray machadka Al cimra Branch One labo dhagax isagoo sheegay in la aas aasay 1995 tii. Lagana dhigayay maadooyin kala ah English, Saxaafad, caafimaad, iyo maadooyinkale ee Sayniska.

C/qadir Filibiin ayaa intaasi ku daray in Machadka ay ka qalin jebiyeen 55 dufcadood oo dhinaca Saxaafada ah, intooda badana ay yihiin saxafiyiinta Hormuudka ka ah saxaafada Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay Macaciln Maxamed Cusmaan New York ayuu Filibiin sheegay in Ustaadku yahay madaale, dhexda u xirtay in uu wax baro dadka Soomaliyeed. waxaana uu sheegay in Macalin New York uu cayaaray door shariif ah oo aan la ilaabi doonin.

Cabdiqadar filibiin ayaa sheegay in machadka Al-cimra Branch one labadhagax Nairobi laga furay ayadoo la tixgelanaayo codsiga bahda waxbarashada danaysa.

Zekeriye Abshir Aadan oo ahaa gudoomiyaha qaban qaabada Xaflada Shahaada sharafta lagu siinayay ustaad Maxamed Cusman New York ayaa xaflada ku furay hadalo soo dhoweyn ah.

Waxaana uu u mahad celiyay gudigii qaban qaabada xaflada oo ay ka mid ahaayeen: Cabdiqadar filibiin,Najax, Axmed Muse, Maxamed Mascuud, C/risaaq Kambaala C/fataax cagayare, C/fataax Abaal, Ismaaciil Shakeeti, Aalan Jeemis, Jawaahir Urur Nageeye, Fardowsa Abshir, Cali dheere, fartuun ismaaciil, Najiib Kaamil, dhamaan Saxafiyiinta reer Al-cimra.

Xaflada waxaa qadka telefoonka uga qeyb qaatay saxafiyiinta kale ee reer Al cimra ayagoo jooga dibada.

Saxfiyiintaasi waxaa kamid ah, Deeqo Yuusuf Shire( Deeqo SONNA), oo joogta USA, C/weli Ibraahin Garyare oo jooga Hollad, Daauud Shigaaye oo jooga Finland, C/raxmaan Yuusuf A-lcadaala, oo Muqdisho Jooga, Raxmo Viena oo Joogta Finland, C/laahi xaaji oo jooga Talyaaniga.

Dhamaan saxafiyiintaasi waxaa ay macalinka u rajeeyay cimri dheer iyo caafimaad, waxaana ay kamidaysnaayeen in intaa kabadan uu macalin Maxamed Cusmaan New York uu Mudan yahay, aysan ilaabi doonina weligood waxqabadkiisii daacadnimada ku salaysnaa..

Waxaa kale oo ayagana qoraalo dhinaca emailka ah soo diray inta xafladu socotay, wariyayaasha kale ee reer Alcimra: C/wahaab sh cali nuur, Cumar Cusmaan faaruuq oo Hargaysa jooga, Maxamed Basdhiir Sh C/raxmaan oo jabuuti jooga, Maxamed Faarax Talyaani oo USA jooga, Shaadiya Muxumad Cabdi oo Holland Joogta, Maxamed Aadan looteeye oo Holland Jooga, Maxamed Adan Afyarey oo Tanzaniya Jooga, Nasra Degan iyo Fardowsa Tiina oo Holand jooga, Axmed C/laahi yuusuf oo Suudaan wax ka barta.

Ugu danbayntii, waxaa shahaada sharaftii loogu talo galay la gudoon siiyay Al-ustaad Maxamed New York. Taasoo markii la siinayay uu hal mar hoolkii sacab wada qaatay

Xafladaan ayaa ah tii ugu horaysay oo nooceeda ah oo saxafo soomaaliyeed oo wax u qabtay bulshada soomaaliyeed loo sameeyo.

Daawo Sawirada:-








XAFIISKA www.BARTAMAHA.COM

NAIROBI-KENYA

Comments

comments

Category : KENYA, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: