Calendar

Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Magaalada Baydhabo oo Alshabaab ay afduubatay

SOMALIA MILITIADagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay maanta gurigiisa ku weerareen Mayoow Teesoow oo horay u ahaa taliyihii nabadsugidda dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya ee degmada Baydhabo, iyadoo lala qafaashay rag kale oo la joogay.

Wararka ayaa sheegaya in Mayoow Teesoow ay la joogeen xilliga weerarka lagu qaaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay aad isugu dhow yihiin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Masuur) oo uu khilaaf kala dhexeeyo dhinaca kale ee Al-shabaab.

Guriga sarkaalkan ay kexeysteen Al-shabaab ayaa wuxuu ku yaallay deegaanka Labaatan-jiroow, iyadoo warar aan la hubin ay sheegayaan in la geeyay deegaanka Iidaale oo 60-km u jira degmada Diisoor oo ay kooxda Al-shabaab ka taliso.

Mayow Teesoow horay ugu biiray Al-shabaab kaddib markii uu ka goostay dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya sannadkii 2011. Balse dib ayuu uga soo laabtay, lamana oga sababta keentay in Al-shabaab ay afduubaan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: