Calendar

Wasiirka Waxbarashada D.G. Puntland “Juxa” oo si wacan loogu soo dhoweeyay Columbus, Ohio (Video)

wasiirka Waxbarashada D.G. Puntland Cabdi faarax Siciid "Juxa" oo la taagan qaar ka mid ah qabanqaabiyayaashii xafladda iyo dadweynihii halkaas kusoo dhoweeyay April 11, 2009 (Bartamaha)

Wasiirka Waxbarashada D.G. Puntland Cabdi Faarax Siciid "Juxa" oo la taagan qaar ka mid ah qabanqaabiyayaashii xafladda iyo dadweynihii halkaas kusoo dhoweeyay April 11, 2009 (Bartamaha)

Bartamaha — Waxaa habeenkii Sabtida ahayd ee taariikhduna ahayd bisha Abriil 11keedii lagu qabtay hoteelka Ramada Inn and Convention Center ee magaalada Columbus gobolka Ohio xaflad lagu soo dhoweynayay Wasiirka Waxbarashada dowlad goboleedka Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid “Juxa”.
Cabdi oo markiisii hore ka tagay magaaladan Columbus ayaa waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay halkaas dadweyne fara badan oo u riyaaqayay sidii wiilkoodii ku noqday Soomaaliya inuu wax ka badalo uu maanta kusoo noqday isagoo Wasiir ah.

Hlkan ka daawo Khudbadii Juxa uu halkaas kasoo jeediyay

Juxa oo ah nin mutacallin ah  sida uu halkaas kasoo jeediyay Mr Baraawe oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha xafladda ayaa wuxuu ku daray inuu Juxa ka mid ahaa dhallintii qurbaha wax kusoo baratay oo haddana ballanta ku qaaday inay dalkooda ku noqdaan waxna u qabtaan.
Khudbado fara badan oo halkaas laga soo jeediyay waxay tilmaamayeen sida Soomaalida qurbaha gaar ahaan Columbus ay ugu heellan yihiin horumarinta iyo dibudhisidda  dowladda cusub oo ay qaar kamid ah dadkii halkaas ka khudbeeyay ay soo jeediyeen inay rabaan cilmigooda inay wax ugu qabtaan Puntland, Waxaa kaloo ay soo dhoweeyeen habka dimoqraadiyadda ah ee loo doortay madaxweynaha iyo sida xilka ay u wareejiyeen maamulkii hore.

Wasiir Cabdi Faarax Juxa wuxuu u hambalyeeyay Soomaalidii halkaas isugu timid wuxuuna si buuxda uga waramay xaaladda Waxbarasho ee Puntland, suaalana wuu uga jawaabayay dadkii halkaas joogay.

isla maantana waxaan soo galinaynaa Videogii aannu halkaas ka duubnay, ee  ha moogaanina

Comments

comments

Category : Diaspora, VIDEOS, Wararka Maanta and tagged , , .
« »

Comment: