read more »">

Calendar

Alshabaab oo soo bandhigtay dagaalyahanno cusub

shabaab-Ciidamo_2Ururka Al-shabaab ayaa shalay ciidamo badan oo xirnaa dharka milateriga Soomaaliya kusoo bandhigtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose oo ka mid degmooyinka ay  ka taliso.

waxaana halkaas hadal ka jeediyay mas’uulka Al-shabaab u qaabilsan gobolkaas, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla.  Ciidamadan ayaa soo bandhigay dhoolla-tus ciidan oo ay ku muujinayeen tababarradii ay soo qaateen, waxaana ay gudaha magaalada mareen iyagoo saran gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan tiknimada.

Alshabaab ayaa sheegtay in ciidamadan loogu talagalay fulinta weerarada degdegga ah.

Waxayna dhoolatus kusoo mareen magaalada iyagoo saxaafadana u soo bandhigay.

Inkastoo ururkan khilaafaad ku yimid gudihiisa lagu dilay qaarkamid ah hogaamiyayaashiisii qaar kalana ay baxsadeen ayay hadana sheegeen inay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: