Calendar

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in dalkiisu taageero dhinac walba siinayo ciidanka Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Dessalegn ayaa sheegay in dowladdiisu ay gacan ka geysnayso sidii dib loogu soo celin lahaa ammaanka iyo deggenaashaha Soomaaliya, kaddib kulan uu Addis Ababa kula yeeshay wasirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

Kulanka Dessalegn iyo Fiqi ayaa dhacay maalintii Jimcaha ahayd ee lasoo dhaafay, waxaana labada mas’uul ay ka wada hadleen sidii Itoobiya ay gacan uga geysan lahayd howlaha dib loogu soo celinayo nabadda Soomaaliya.

“Itoobiya waxay sii wadaysaa taageerada ay siinayso dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo ay ugu horreyso sidii dalka loogu soo celin lahaa nabad iyo deggenaasho buuxda,” ayuu yiri Dessalegn oo intaas ku darya inuu soo dhaweynayo horumarka ay sameysay dowladda Soomaaliya muddadii ay jirtay.

Dessalegn wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay ka caawiso Soomaaliya dhinaca tababarka ciidamada iyo xoojintooda si ay awood ugu yeeshaan inay iska difaacaan Al-shabaab oo weli deegaanno ka tirsan Soomaaliya ka talisa. Kenya-Ethiopia 2

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: