read more »">
Calendar

Kenya oo diiday inay cududaar ka bixiso qaabkii loola dhaqmay madaxweynaha Central Africa Republic

guardMadaxweynaha Jamhuuriyada Afrikada dhexe Michel Djotodia ayaa si aan wanaagsanayn loogula dhaqmay ayraboorka caalamiga ah ee JOMMO KENYATTA.

Sida ay qoreen qaar kamid ah jaraa’idka dalka Kenya madaxweyne Michel Djotodia ayaa muddo saacad ah ay ku jiray diyaaradii waday kadib markii la waayay masuul sare oo dawlada ka socda oo ku qaabila ayraboorka.

Waxaana markii dambe qaabilay Taliyaha ciidamada Militariga markii ay muddo saacad ah ku jiray diraaradii siday.

Karanja Kibicho oo kamid ah saraakiisha arrimaha dibadda ee Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay madaxweyne kasta oo booqashadiisii ugu horraysay ku imaanaya Kenya la marsiinayo Protocolkaas madaama aan horay loo hayn macluumaadkiisa khaaska ah.’

“Si ula kac ah ma ahayn ee waa arrin Protocol ka khusaysa” ayuu yiri Karanja Kibicho oo diiday in cududaar ay mudantahay arrinka dhacay.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: