Calendar

Dilka wadaado kiristaan ah oo ka dhacay Mombasa ayaa sababay xiisad ka aloosan deegaankaas

Xaalada magaalada xeebta Kenya ku taal ee Mombasa ayaa kacsan halkaasoo todobaadkan horaantiisa lagu dilay labo wadaad oo Kirishtaan ah.

Dilkan ayaa ka dambeeyay labo todobaad kadib markii wadaad Muslima ahaa oo caan ka ahaa Mombasa iyo labo kale ay dileen dabley aan heybtooda la garan.

Wararka ayaa sheegaya in labada wadaad heysta diinta Kirishtaanka ayaa lagu dilay weeraro kala duwan, iyadoo keentay in xiisad ay ka aloosanto dilalkaas.

Charles Matole oo ahaa hogaamiyaha Kaniisad ku taal Mombasa ayaa meydkiisa laga helay axadii goor subax aheyd oo uu aqrisanayay kitaabkiisa Bible-ka, isagoo isu diyaarinayay khudbadiisa Axada ee Kaniisada uu ka jeedin lahaa.

Lama oga kooxaha dilka ka dambeeyay, waxaana booliska magaalada Mombasa ay wadaan howl galo, iyadoo wadooyinka lagu arkay ciidamo.

Waxaa laga cabsi qabaa inay dhacaan rabshado u dhaxeeya Muslimiinta iyo Kirishtaanka oo ku aadan weeraradan kala duwan ee ka dhacay magaalada Mombasa.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: