Calendar

VIDEO: Diyaarad Soomaaliya qaad u siday oo Nairobi ku dhacday

Security personnel secure scene where a cargo plane crashed into a commercial building at Utawala estate on outskirts of Kenya's capital NairobiBARTAMAHA – Waxaa Magaalada Nairobia ee Caasimada u ah Dalka Kenya laga soo sheegaya in Saaka Diyaarada Xamuul siday ay ku Burburtay meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Dayaarada ayaa la sheegay in ay u soo soctay Soomaaliya,gaar ahaan Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegayaa in ay Cilad ku timid kadibna uu Dab qabsaday.

Diyaarada oo Nuuceedu uu ahaa Voka 50 ayaa waxaa la socda 4 Ruux,ayadoona la soo warinayo in ay Geeriyoodeen Dhamaan Rakaabkii saarnaa sida Wakaalada Wararka ee Rueters ay sheegtay.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in ay Baaritaan ku wadaan Arrinta keentay Burburka diyaaada Saaka ku dhacday Dalka Kenya.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : VIDEOS, Wararka Maanta and tagged , , , .
« »

Comment: