Calendar

Jaamacadda Jaziira oo maanta deeq gaarsiisay Barakacayaasha ku jira xerada Hogol ee M/Muqdisho

Muqdisho(Bartamaha) Jaamacadda Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa maanta deeq  gaarsiisay dadka ku jira xerada Barakacayaasha Hogol oo ku taalla agagaarka Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Deeqdan oo ka koobneed dhar iyo Dawooyin ayaa waxaa la gaarsiiyey dadka barakacayaasha ah ee ku jira Xerada Hogol,waxaana sidoo kale qayb ka ahaa deeqda baaritaano caafimaad oo dhaqaatiir ka socotay Jaamacadda ay u samaynayeen dadka ku jira xerada Barakacayaasha ee Hogol.

Drs Luul Maxamuud Maxamed oo ah hormuudka kuliyadda Caafimaadka Jaamacadda Jaziira ayaa ka warbixisay deeqda ay gaarsiiyeen barakacayaasha ku jira Xerada barakacayaasha Hogol, waxayna sheegtay in dadka xerada ku dhibaataysan ay u badan yihiin Haweenka uurka leh,Carruur iyo dad da’ah oo la dhibaataysan nafaqo soo wajahday.

Drs Luul Maxamuud Maxamed ayaa tilmaamtay in Jaamacadda Jaziira ee magaalada Muqdisho ay mar kasta u taagan tahay sidii ay uga jawaabi lahayd baahida bulshada Soomaaliyeed, waxayna xustay inay dadaal ku bixin doonaan sidii ay ugu gargaari lahaayeen dadka Barakacayaasha ah ee ku dhibaataysan Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa goobta ka hadlay Maxamed Maxamuud Cilmi gudoomiyaha mashruuca caawi dadka tabaalaysan iyo Maryan Xaaji Maxamuud oo ah horjoogaha Kaamka Hogol,waxayna si isku mid ah ugu mahad celiyeen Jaamacadda Jaziira ee Maanta deeqda gaarsiisay barakacayaasha ku jira Kaamka Hogol.

Maryan Xaaji Maxamed ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan Barakacayaasha ku jira xerada Hogol oo ay haystaan xaalado nolol xumo oo aad u adag.

 

Muqdisho Bartamaha

 

 
 

 

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc