read more »">
Calendar

Puntland oo dib ugu noqonaysa nidaamkii awood qaybsiga qabaa’ilka

Baarlamaanka-dowlada-PuntlandBaarlamaanka Puntland ayaa ka dooday sharci cusub oo dib ugu celinaya awood qaybsiga gaar ahaanna xulida xildhibaannada baarlamaanka qaabka hab-beeleedka kaasoo ay Puntland sheegtay inay ka gudubtay kadib markii la qaatay nidaamka axsaabta badan ee dastuurka cusubi uu qorayo.

Xildhibaanada oo dood kulul ka yeeshay ayaa intooda badan sheegay in doonayaan in dib wax loogu soo xulo nidaamkii qabaa’ilka ee iyaga lagu soo doortay.

Inkastoo aan go’aan kama dambays ah arrinkan laga gaarin oo barri la isugu soo noqonayo kulan kale ayaa hadana ay u muuqataa in dib loogu noqonayo nidaamkii hore ee ku salaysnaa awood qaybsiga qabaa’ilka.

Waxaana arrinkan loo aanaynayaa kadib markii ay dhici waayeen doorashooyinkii la qorsheeyay ee dawladaha hoose taasoo keentay in dad ku dhintaan dad kalana ku dhaawacmaan rabshado ka aloosmay magaalooyinka waawayn ee Puntland.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: