Calendar

war Dag Dag ah dagaal ka socda lascanood.

Wararka hada Ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in hada uu halkaasi ka dhacayo dagaal udhaxeeya Ciidamada Maamulka Soomaaliland iyo sidoo kale Maamulka Qaatumo state

Wararka  waxa ay sheegayaan in hada lagu dagaalamayo gudaha Magaalada Laascaanood oo ay labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan

Lama ogaan karo qasaraha dhabta ah ee soo kala gaaray labada dhinac

Dadka goobjoogayaasha ah ayaa xaqiijinayo in dagaalka uu udhaxeeyo ciidamada Maamulka Soomaaliland iyo sidoo kale kuwa Maamulka Qaatumo State

Dhinaca kale wararka ka imaanay Magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer waxa ay sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ay halkaasi ka taagan tahay

Magaalada Buuhoodle ayaa wararka laga helaayo saaka waxa ay tilmaamayaan in dhaqdhaqaaq ciidan uu kajiro gudaha Magaalada iyo sidoo kale duleedka Magaalada intuba

Lama oga arinta ka dambaysa dhaqdhaqaaqan ciidan ee hada kajira Magaalada Buuhoodle hayeeshe waxa xusid mudan in ciidamada Maamulka Soomaaliland ay kusugan yahiin duleedka Degmada Buuhoodle ee gobalka Togdheer

Arintani ayaa waxa ay imaanaysa iyadoo dagaal uu ka socdo Degmada laascaanood ee gobalka Sool kaasi oo udhaxeeya Ciidamada Maamulka Soomaaliland iyo sidoo kale kuwa Qaatuma State

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: