Calendar

Aniga kaliya iigu yeera Guddoomiye Miyuu noqday Caqliga Shiikh Ibrahim Guureeye??

Shiikh Ibrahim oo shalay is magacaabay.

Shiikh Ibrahim oo shalay is magacaabay.

Shalay  waxay aheyd maalin dadka badi ay u asteeyeen inay tahay maalin qosol iyo la yaab leh ,sababtoo ah guddoomiyihii hore ee Ahlusunnadda Gobolada Dhexe  Shiikh Ibrahim Guureeye dhawaana looga guuleystay tartankii hogaanka ururkaasi ayaa waxa uu ku dhawaaqay maamul uu ku sheegay Ahlusunnada Guud,balse dadweynaha Cabudwaaq ay u bixiyeen ” Maamulkii Riyada iyo Xil-jaceylka”

Laba isbuuc ka hor ayey aheyd markii magaalada Cabudwaaq lagu soo afmeeray doorashadii hogaanka Ahlusunna,waxaana kasoo qeyb galay dhawaan wixii ahlusunna sheeganayey ee joogay gobolada dhexe,iyaddoo yoolka shirkaasi uu ahaa in meesha laga saaro muranka iyo kala shakiga ku jiray Culumada Ahlusunna isla markaana  wax laga badelo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab  oo ah cadowga koowaad ee Maamulka Ahlusunna.

Waxaan sheeko  iyo qoraal u baahneyn  iyo in aan dib ugu noqdo ragii tartankii hogaanka usoo istaagay,waxaanse jecelahay in aan ka far-muuqo Shiikh Ibrahim Guureeye  inuu ahaa ninkii kaalinta labaad ka galay tartankaasi,waxaana hogaanka uga guuleystay nin kaga aqoon badan Diinta iyo dhinaca Maadiga,waana Sheikh/Prof , Laba-Garre kaasi oo cod aqlabiyad leh uga qaaday ninkaasi.

Xiligii lagu sugnaa madasha shirka ma aysan jirin diidmo uu ka muujiyey hogaanka la doortay,Laakiin   wax ka yar laba  isbuuc ayuu ku bilaabay inuu maamul kale ku dhawaaqo,isagoo waliba isku soo xiray guri  ay kula jiraan dad la soo qalday,waxaana isweydiin mudan waxa uu uga dan leeyahay arintaasi.

Waxa iga yaabiyey ee aan ku arkay Warsidayaasha af-somaliga ku hadla ayaa ah inuu Ibrahim Guureeye iyo raga kula jira ay Maamulka Prof Laba-Garre ku eedeeyeen inaysan waxba ka qaban la dagaalanka ururka Al-Shabaab!!!

Akhristow waligaa ma maqashay ilma dhashay  xalay oo la leeyahay waa in aad orodaa,Halka aabaha dhalay wiilkaasi uusan waligiis orad iska daaye uu xitaa isku dayin inuu socdo, Waxaa  taasi iiga dhigan aniga dhankeyga Shiikh Ibrahim Guureeye oo shalay markii uu maamulka hayey waxba qaban waayey oo  maalintii la doortay diyaaradii uu u raacay Nairobi ku soo laabtay markii la yiri doorasho maamul ayaa ka dhaceysa Cabudwaaq ayaa maanta wax qabad la’aan ku eedeynaya Maamulka aan jirin labada asbuuc!!!  Nin aduunyo joogow,maxaad aragtay ku laaban.

Dadka falanqeynta siyaasada iyo saadaalinta xaalka Somaliya ku xeeldheer ayaa hadalka iyo maamulka Ibrahim Guureeye ku tilmaamay inay  tahay mid isaga iyo asxaabtiisa u gelbineysa  ka bixitaanka siyaasada gobolada dhexe,Waa haddii uu ku soo dheganaado maamulka aan dhiciska ah ee uu ku dhawaaqay,Laakiin taasi waxaa barbartaal inuu isticmaalo Kaarka ay isticmaalaan cidkasta oo siyaasada kasii dhimaneysa,waana midka qabiilka.Haddii ay xitaa taasi dhacdo waxaa meesha ka baxeysa rabitaankiisa xilka uu sheegtay ee ah Guddoomiyaha Ahlusunna,sababtoo ah ma jiri doonto qabiil isaga ka yeeli doona inuu hogaan u qabto.

Ma jirto ciidan iyo maamul gacanta ugu jira ninkan,balse dadka isaga u dhaw ayaa mar aan qadka telefoona kula xiriiray waxay iisheegeen inuu u sheegay iyaga nin taageera ka heysta Dowlada Itoobiya,sidaasi darteedna uu yahay ninka kaliya ee awooda ahlusunna isaga ay gacanta ugu jirto,Balse waxaa qolyaha ninkaasi beenta usheegaya iyo isagaba ka maqan inaysan Itoobiya wixii ay rabto ku qasbi karin Umadda Somaliyeed.

Sheekaba sheeko ayey ku xasuusisaa ayaan maqli jiray,markii aan helay xogta ah inuu ninkaasi ku xiran yahay Itoobiya isla markaana uu dhawaan u socdaali doono Adis-ababa ayaa waxaan isweydiyey meesha ay mareen ragii ay Itobiya taageeri jirtay sida,Abdilahi Yusuf,Muuse Suudi,Maxamed Qanyare,Cismaan Caato,Barre Hiiraale,Xaabsade, Maxamed Dheere iyo Cali Maxamed Geedi oo dhamaantood la dhihi karo waa  ka caqli iyo dhaqaale badnaayeen Ibrahim Guureeye oo ah nin aan siyaasad fog iyo ilbaxnimo la saan-qaadi karta siyaasada Gobolka laheyn.

Talo soo jeedin:

Waxaan aniga talo kusiin lahaa ninkaasi Xilka Guddoomiyaha ku waashay iyo raga la duuban dhihi lahaa inaysan ka boodin runta,sababtoo ah runta oo aad iska indha tirto waxay ku hogaamisaa burburkaaga,marka aan sidaasi leeyahay waxaan u jeedaa inaysan  ilaawin maamulka meesha ka jira iyo dhibka uga iman kara haddii ay carqaladeeyaan amaanka halkaasi ka jira.

Waxaan sidoo kale dhihi lahaa in aysan  aduunka ka jirin kursi la isaga fadhinayo iyo maamul aan horusocd laheyn,Labadaasina waa mida maanta ku qasbeysa Ibraahim iyo xertiisa inay maamul ku dhisan riyo aan soconeyn ay kaga dhawaaqaan Cabudwaq.

Ugu danbeyntii waxaan leeyahay Ibrahim Guureeye Magaalada ha gelin dagaal sokeeye,kaasi oo la mid ah kii dhexmaray Cali Mahdi Maxamed iyo Gen,Maxamed Farah Ceydiid,labadaasi oo isku quuri waayey xilka hogaan maamul la sheegay inuu matalayo Somaliya,balse markii danbe dhaxal siiyey inay galaan dagaal ay ku huubteen qabiilada ay ka dhasheen labadaasi  nin.  Marka aan sidaasi ku leeyahay waxa waaye haddii aad maamulka Prof, Laba-Garre diido waxay ka dhigan tahay dagaal sokeeye oo hada u bilowdahay walaalaha Waqooyiga Galgaduud,Kaasi oo haddii uu bilowdo xitaa soo gaari doona meelkasta oo ay degaan Sade-Darood oo dhan,sida Gedo iyo Jubbooyinka.

Ma ihi qof diidan ama neceb Ibrahim Guureeye,laakiin waxaan ahay nin diidan qaladka uu ka galayo walaalkiis Prof,Laba-Garre,waxaana haddii aanan maanta ka hadlin bari dhici doonta in la igu qabsado maxaad ragan wax u kala dhihi weysay,Cidkasta oo walaalaha jooga Cabudwaaq ahna waxaan leeyahay idinkaa leh qabashada ninkaasiye ka hor istaaga burburka uu ku wado amaanka aad ku naalooneysaan.

Waxaan uga tagayaa Ibrahim Guureeye murtida ah ” Sxb ha noqon heeryadiisa cune”  oo ka dhigan in aad gacantaada ku burburiso Maamulkii aad hogaanka u aheyd shalay oo nabada ka dhaliyey Cabudwaaq in aad hadana isla adigii noqoto ninkii burburin lahaa nabadaasi iyo jaceylka walaalaha wada degan.

………………………………………..

Mohamed Abdilahi Muuse

Freelance Journalist
[email protected]

FG: Qoraalkan waxa uu u gaar yahay qoraha ku saxiixan,mana ahan mid ka tarjumaya siyaasada bogga www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles, Wararka Maanta.
« »

Comment: