Calendar

Siyaasadda Dibadda ee Somaliland

yusufgaraad1

W.Q. Yusuf Garad

Ciidan Caabboon
Marka la barbardhigo Soomaaliya inteeda kale, Somaliland waxay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo la taaban karo. Waxaana aniga iigula muhiimsan horumarka ay ka gaartay xagga amniga iyo hirgelinta nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka u suurtageliyay muwaaddin kasta uu saameyn yeesho, waa Dimuqraaddiyadda.
Inkasta oo ay jirto dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan da’yarta haysata, haddana waxaad moodda in Somaliland arrinta ugu muhiimsan ee ay raadineyso in ay tahay aqoonsi caalami ah. Geed dheer iyo mid gaabanba wey u fuushay.
Taas ayaa ugu wacan in Afartii Madaxweyne ee Somaliland soo martay ay magacaabaan isugeyn 13 Wasiir oo Arrimaha Dibdda midba mar loo xil saaray. Waxa ugu weyn ee loo diray waxay ahayd, kac oo aqoonsi raadi.
Somaliland doodo fara badan ayay caalamka soo hor dhigtay. Waxaa ka mid ah in Somaliland ay xorriyad iskeed u qaadatay 26 June 1960. Isla markaana ay iyada oo ah dal xor ah ay iskeed ugu biirtay Soomaaliya. Markii midnimadaasi ay anfaci weydayna ay iskeed ula soo noqotay madaxbannaanideedii. Waxay cuskatay Xeerkii Ururka Midnimada Afrika oo u xuubsiibtay Midowga Afrika ee ahaa in soohdimaha Afrika loo daayo sidii Gumeysigu uga tagey.
Somaliland ka dib markii ay ku guuleysatay in ay gacanta ku dhigto Sool oo markii hore ay Puntland ka talin jirtay, waxay doodda ku soo dartay in ay soohdimaheeda oo dhan gacanta ay ku heyso.
Screen shot 2013-07-31 at 2.38.13 AMDoodaha Soomaaliland waxaa ka mid ahaa in la xasuuqay dadka Somaliland oo Qarankii Soomaaliya uu u adeegsaday ciidankii dowladda oo wata madaafiicda goobta, dabbaabado iyo dayaarado, welibana adeegsanaya calooshood-u-dirir ajnebi ah iyo qaxooti ka yimid Ethiopia. Waa dagaal aan aniga lafteydu 1989 iyo 1990 aan indhaheyga ku arkay qaar ka mid ah xad gudubyadii dadka rayidka ah loogu geystay Hargeysa, Berbera, Burco, Beer iyo weliba Borame iyo baadiyaheeda ilaa tuulooyin Awdal ka tirsan oo ay ka mid yihiin Qolujeed, Xaliimaale, Boon, Weeraar iyo Beysaarre.
Xataa waxaa jirtay dood uu mas’uul Somaliland ahi hadda ka hor yiri wax aan diinta ahayn ee Somali nagala dhexeeyaa ma jiraan. Inahaas oo dhan wey ku qancin waayeen caalamku in uu Somaliland u aqoonsado dal Madax bannaan.
Somaliland waxay Madaxweyne u dooratay Silaanyo, oo intaan kula soo ekaaday siyaasadda Soomaaliya, mar uu Wasiir ahaa, mar uu Jabhaddii SNM Hoggaaminayay, mar uu Wasiir ka ahaa Somaliland iyo mar uu hoggaamiye mucaarad noqday. Markii uu xilka qabtay Madaxweyne Silaanyo oo aan siyaasadda ka caajisin, waxaad mooddaa Siyaasaddiisa Arrimaha Dibadda oo uu garwadeen ka ahaa Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, in ay qaadatay dariiq ka duwan kuwii ka horreeyay.
Wasiirradii hore waxay qaar isku dayeen in Somaliya ay is diidsiiyaan oo sidii wax aan jirin ama aan waxba ka khuseyn ay u dhaqmaan. Qaarkood waxay isku dayeen in taariikhdu sida ay tahay aan looga warramin.
Haddaad fiiriso Afrika, Ethiopia waxaa ka go’day Eritrea. Labada ayaa isaga raalli ahaa. Sudan ayaa iyadana laga jaray South Sudan. Waxay ku timid wadahadal iyo heshiis labada dhinac ku dhex maray Naivasha, Kenya.
Markaa Dowladda Silaanyo, iyada oo aan joojin dariiqii dowladihii ka horreeyay ee Somaliland ay iskeed caalaamka aqoonsiga uga raadsanaysay ayay haddana waxay ku soo kordhisay dariiq cusub. Iyada oo aan ka tanaasulin Madaxbannaanideeda ayay furtay wadahadal fool-ka-fool ah oo ay la yeelato Somalia. Waa wax aan Somaliland marna hore suurta gal uga ahayn.
Waxay ku dhiirratay in ay ka qeyb gaho shirar siyaasad, ammaan iyo maalgelinba leh oo Soomaaliya loo qabtay, taas oo sida caalamku u arko ay Somaliland ka mid tahay. Waxaan goob joog ka ahaa Shirarkaas qaarkood ka dhacay Yurub iyo Afrika. Waxaan dhihi karaa, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar wuxuu shiiqiyay mas’uuliyiintii matalayay Dowladda Soomaaliya. Taas ulama jeedo isbarbardhigga laba Wasiir oo keliya.
Wasiirka Somaliland waxaa ka muuqday diyaar garow wanaagsan. In uu yaqaan waxa uu shirka ka rabo iyo danta uu ka leeyahay in uu ka gaaro. Waxaa kale oo hadalka u qurxiyay in uu hayo horumar la taaban karo oo uu soo bandhigo.
Waxaa kale oo uu ku helayay garowshiyo , dhiirrada ah in uu goobta yimid inkasta oo qaar badan oo dadka uu metalo ka mid ahi aanay raali ka ahayn in shir Soomaaliya ku saabsan laga qeyb galo. Waxaa loo arkayay in Somaliland ay wax muuqda qabsatay ayadoo taageerada ay deeq bixiyayaashu siiyaan Somaliland ay tahay mid ka yar tan lagu kharash gareeyo Soomaaliya. Inahaas oo dhan waxaa uu ku helayay sacab ama garowshiyo ka xoog badan kan ergadii Soomaalidu ay helayeen.
Wasiirka Soomaaliya u hadlayay, saa wuu ka duwanaa. Goobaha qaarna waxaa Wasiirka Soomaaliya ka muuqatay kalsooni darro oo waxaaba ka garab hadlayay, Maamul goboleedyo, mararka qaar hadalkoodu is khilaafayo.
Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar hadda waa laga wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana loo magacaabay Maxamed Biixi Yonis, oo ah nin leh khibrad gaammurtay oo ah xagga maamulka hawlaha Qaramada Midoobay. Wuxuu ahaa ninka labaad ee Madaxda ka ah hawlgalka ballaaran ee Qaramada Midoobay ay ka waddao Darfur, Sudan. Wuxuu afkiisa ka sheegay in uu maamulyay miisaaniyad dhan $1.8b. Qof barteyda Facebook uga fallooday oo afka Sportiga adeegsaday wuxuu Biixi ku tilmaamay cayaaryahan halis ah oo ay Somaliland soo gatay.
Waxaa isaguna cududda Somaliland ku biiray Axmed Ismaaciil Samatar, oo aqoon iyo khibrad maamul isku darsaday. Waa Bare Sare oo Jaamacdeed iyo Hormuud, cimrigiisa inta bandan ku qaatay waxbaridda dhallinyaro Mareykan ah. Jaamacado kale oo badanna casharro ka jeediya. Buugaag badanna qoray. Waxaa uu ku takhasusay Xiriirka Caalamiga ah. Axmed waa hadal yaqaan aan waxba hambeyn marka uu Soomaali ku hadlayo iyo marka uu Ingiriis ku hadlayo labadaba.
Axmed markii aan ku wada hungownay doorashadii Muqdisho ee kal hore ee lagu doortay Madaxweyne, Xasan Shiikh, iyo weliba dhismihii dowladda, ayuu goostay in uu tago degaanka Gebiley oo uu ku dhashay. Soo dhoweyn, uu isaguba qirtay in aanuu fileyn, ayuu kala kulmay Somaliland inteeda badan oo uu cagta mariyay. Wuxuu qiray in uu hadda ka dib ka shaqeyn doono suuqgeynta Jamhuriyadda Soomaaliland.
Isbeddelkan Wasaaradda Dibadda lagu sameeyay ma cadda in micnihiisu yahay in Madaxweyne Silaanyo iyo kooxdiisa khusuusiga ahi ay u dan leeyihiin in ay wax ka beedelaan siyaasaddii dibadda.
Waxaan ogaan doonnaa 100 maalmood gudahood, taas oo ah muddada ka harsan, madasha ah in 120 maalmood gudahood ay labada dhinac isku arkaan.
Laakiin waxaan muran ka joogin arrinta aqoonsiga Somaliland sida ay muhiimadda koowaad ugu tahay  Hargeysa in xaalku ka duwan yahay Muqdisho.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inkasta oo Somaliland aanay illowsaneyn oo weliba ay dhowr jeer la fariisatay, haddana aqoonsiga ama aqoonsi la’aanta Somaliland ma ahan sida Hargeysa ay ugu tahay mudnaanta koowaad.
Dhismaha dowladda ayaa inyar nooga ifinaya taas. Dadka Soomaaliyeed ee reer Somaliland ee sheegay in ay midnimo doon yihiin, hal Wasiir oo keliya ayaa ku jira Golaha Wasiirrada – Fowsiyo Yusuf Xaaji Aden, WasiirKa Dibadda iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeen.
Waxyaabaha Dowladda hor yaallana waxaa ka mid ah sidii loo sugi lahaa ammaanka caasimadda oo marxalad xun maraya, xallinta dagaallada Shabeellada Hoose iyo Kismaayo, isu diyaarinta iyo ka qeyb galka shirka Brussels, ku dhaqaaqidda isbeddelka dhismaha xukuumadda ee saameeyay niyadda Wasiirrada qaar ka warhelay in la beddelayo laakiin weli sii jooga xafiiska, in Puntland la iska afgarto dastuurka, mushaar u helidda hey’adaha dowladda oo ay kuwa amnigu ugu horreeyaan, dhismaha hey’adaha dowladda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo diyaarinta wixii la fali lahaa marka xilliga baarlamaanku dhammaado – maaddaama aan jawi doorasho hadda soo muuqan.
Dowladda Xasan Shiikh iyo Saacid Shirdoon uma gaar aha, xataa xilligii KMG-ka dowlad kasta oo Muqdisho ka dhalata waxaa dhaqaaq u diiday arrimo soo dabra hanka iyo himilada hoggaamiyayaasheeda, kuwaasoo qaar badan ay u sabab yihiin Soomaali kale.
Ugu dambeyntii waxaan shaki ku jirin in culeyska horyaalla dowladda Soomaaliya iyo miisaanka u sii kordhaya Hargeysa, oo lagu daray oonka caalamku u qabo in shidaal laga soo saaro dalkeennu ay tahay mid rajo ku abuuri karta taageerayaasha Somaliland.
Waxaa la gudboon Dowladda Soomaaliya in haddii ay wadahadalladu sii socdaan in ay tayada u sii kordhiso ergada la xaajooneysa Somaliland. Ergadaas waxaad hadda mooddaa in lagu soo xulay nidaamka Baarlamaanka lagu soo xulay mid la mid ah.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Maqaallo / Articles, Wararka Maanta.
« »

Comment: