Calendar

Maansadii 25aad ka mida Diiwaankii Nabada ee Silsiladii Deelaydii Qarniga 21aad(MAANSO DOONI)

gabayMaansadan oo magaceeda la yidhaahdo DOONI  waxaan curiyay markaan taariiikhda meel walba ka baadhay umada soomaaliyeed dhibaatada haysata ee meel loo raaco aan lahayn inaysan maanta aduunka korkiisa joogin umad la mid ah ama lagu meteli karo ama wax la qabta oo tusaale ahaan loo soo qaadan karo dal hebel waxaa ka jirta dhibtaas, umadaha aduunka way soo mareen dhibaato , balse waxay ahayd waqti kooban iyo marxalad la soo maro balse inaga teenu waxay noqotay mid aan dhamaad lahayn ilaa hada.markaas  ayaan damcay inaan ku cabiro dareen suugaaneed  maansadan waxay ka mid tahay  silsiladuu la magac baxday Diiwaankii Nabad iyo Deellaydii Qarniga ee ay ka qayb qaateen dhalinyaradii badnayd ee qurba joogta ahayd ee la furay Qaraxii dhiilada xumaa ee Shaamoow , maansadan waa Maansadii 25aad ee silsilada waxaanan kula hadlayaa dhamaan abwaanada soomaaliyeed ee daneeyaa arimaha nabada soomaaliya inay ka hadlaan

Oo aysan ka gaabsan maadaama loo tiriyo burburkii dowladii dhexe inay abwaanada iyo fanaaniinta ka mid ahaayeen hadana in ay dib u raadinta qaranka ka qayb qaataan af iyo adin

Waa tan maansadii  Dooni:-

Dahniga waatan ka jray

Dubaaqayguna dhibsaday

Doorkeedii maansadoo

Dibnaha waa taan xidhoo

Dareenkaygana lingaxay

Murtida daaheeda rogay

Dabkeeda inaan shidiyo

Inaan doobigeeda culo

Ka doortay digriga ilaah

Inaan deellay tirshiyo

Inaan dirirkeeda furo

Inaan dawliyo mar kale

Inaan dib usoo celshoo

Abwaanada dood ku furo

Dantaa tidhi lama huraan

Dawaan ka dhex baadhayaa

Dadkaan wax u sheegayaa

Dariiq baan doonayaa

Daw loo maro daacadnimo

Sida danbar-same guyoo

Dunida maansheeyayoo

Dannood iyo harra -digeed

Deex iyo wabiyada dushood

Daan-bari iyo degel jubaad

Darkii guban iyo tog-dheer

Dusheeda hargaysa helay

Didib iyo meel banaan

Diriyo buuraha dushood

Daad uu mulucyeeyayoo

Dooguna cirka gaadhayoo

Dhirtuna ubax daadisoo

Mankuna dusha qariyayo

Damaladu hamash yihiin

Dunjiga soomaaliyeed

Ku diirsanayaan dadoow

Bal aan dulucdayda iyo

Ujeedada daaf ka rogo

Usoo dego miilankiyo

Dantaydu halkay tahoo

Dedaalkii nabada iyo

Diiwaankii noo qornaa

deelayda noo furnayd

Doodaan qabo aan ku daro

Dalkani waa dooniyoo

Dadkuna waa saaranyahay

Waxay dul sabaynayaan

Badwaynta dusheeda oo

Hir duulaayaa siddoo

Kabtan loo doortayoo

Digree u leh iyo aqoon

Dirkeeda yaqaan badoo

Dedaal badanina ma wado

Dilaankiyo mawjadaha

Ayaa dawakhaad ku riday

Dadkii saarnaa dushoo

Dihaal bay wada qabaan

Darxumo diif iyo xanuun

Ayay la la ildaran yihiin

Inay degto waa u halis

Dawgii socodkaa ka lumay

Dabaylahaa riixayoo

Jihaday doonaan marshoo

Intuu duufaan ku kacay

Ayaa dakhalkii furtoo

Shiraaqii duulayoo

Matoorkii wuu damoo

Dalliyo qiil loo dayiyo

Daliil loo doono maleh.

Dadba ducadii rabiyo

Baryada daa, imay hadana

Dadbaa quus taaganoo

Damacii ka dhamaadayoo

Dibnuhu juuqdii gabeen

Dadbaa dawakh taaganoo

Dareemayn dhiiladaas

Dadbaa waxa jira ogayn

Durbaan iyo walasaqoo

Daf wali tumanaaya oo

Damiirkooduba ogayn

Halistay daaqayaan

Dadbaa wali duubanoo

Diinaarkii lacagta iyo

Duunyo wali ganacsi wada

Darbaa doorsoon ku jira

Miyirku daboolmayoo

Digtooradu baadhayaan

Waa duniyo waayaheed

Dabcigii lagu yiqiin

Dirkeeda ninkii yaqaan

Walee kuma soo degdego

Abwaanoow dooda maqal

Dareen oo day-dayoo

Daliilkeed baafiyoo

Dawadu meeshay jirtiyo

Dabeebkii caafimaad

Dedaalkeed raadiyoo

Diinta wanaagsaniyo

Digriiga culuumta iyo

Taariikhdii duuga ahayd

Danteenu halkay jirtiyo

Daryeelka dadkeena iyo

Dariiqii dowladnimo

Dalayntii qaranka dumay

Ka  doonoo ka  daydayoo

Dubaaqiinana galshoo

Ha daalina gebi ahaan

Dagaal iyo dooda furan

Diidmiyo dirir aan dhamaan

Damaciyo duunya doon

Diintoo lagu  soo gabado

Dadkoo kala qaybsanoo

Qoloba dacal loo eryaday

Dabeecad la yaab lehoo

Dunidu amakaag la tahay

Ayaa degay dagalkakane

Dardaaran miyuu galaa?

Digniin ma aqoonsadaan?

Dacwiyo gar ma yeelayaan?

Docdee laga soo maraa?

Ninkii doodaa ogoow

Ninkii dawadeed hayoo

Ninkii wax dareensanoow

Diiwaankii nabada iyo

Deelaybaa loo furee

Dareenkaa hadal abwaan

Doodana mari abwaan

Dariiqii nabada keen!!!

Waa Qalinkii iyo Hal-abuurkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

[email protected]

Comments

comments

Category : Gabayada [ POETRY ], Wararka Maanta.
« »

Comment: