Calendar

[DAAWO + SAWIRO] Shariif Sh. Axmed oo ku khudbeynaya afka English-ka, jaamacado Mareykan-ka ku yaala

Hogaamiyihii hore ee dowladii federalka Soomaaliya Shariif Sh. Axmed oo iminka dagen wadanka Mareykan-ka halkaas uu u joogo waxbarasho waxa uu ka hadlay jaamacado dhowr ah.

Shariif waxa uu si weyn ugu hadlayay arimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya ay soo martey mudadii dagaladda sokeeye ay socdeen iyo sida ay dowladiisi ugu dadaashey in KMG-kii lagu jirey looga bixi lahaa isla markaane amniga ay u sugi laheed.

Jaamacadaha uu ka hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxa ku jirta jaamacada More house Collage oo ku taalo magaalada Atlanta, Georgia, oo siyasadda kaga hadlay iyo jaamacadda Elizabeth City State University(ECSU) oo ku taalla gobolka North Carolina, oo kaga hadlay waxbarashada Africa.

Safarka Madaxweynaha waxa ku wehlinayay Ambassador Charles R. Stith oo ah madaxa machadka African Presidential Center ee jaamacada Boston, William Twayigize oo ah President-in-Residence Attache oo ka mid ah shaqaalaha jaamacad Boston waxana ay khudbadiisa ay ku baxaysay afka Ingiriiska.

Shariif Sh. Axmed oo Janaury u guurey magalada Boston ee cariga Mareykan-ka waxa uu galey aqoon kororsi la xiriirto hogaanka, taas oo la siiyo madaxda horey usoo hogaamin jirtey dalalka caalamka oo sida dimuqraadiyadda ah xilalka ku wareejisa.

DAAWO MUUQAAL

Morehouse College

 

Elizabeth City State University


SAWIRO

Comments

comments

Category : Diaspora, Featured, Photos, VIDEOS.
« »

Comment: