Calendar

Dowladda India oo ballan-qaaday taageerada Soomaaliya (Sawirro)

India Somalia

Muqdisho (BARTAMAHA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda India usoo magacowday Soomaaliya Danjire Yogeshwar Varma oo bedeli doonaa danjirihii hore iyadoo islamaanta uu Madaxweynuhu warqdaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub.

Intaasi kaddib Madaxweyne Xasan Sheekh iyo safiirka cusub ee India u soo magacawday Soomaaliya waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ugu horeyso xoojinta cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal iyo in dowladda India ay ka qeyb qaadato sidii tababaro loo siin lahaa shaqaalaha dowladda.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in safiirkan cusub ee India uu badali doono safiirkii hore ee India u joogay Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in dalka ay ku soo badanayaan safiiro cusub.

“Safiirada iminka dalka jooga waxa ay gaarayaan inka badan 50 safiir, tan kale India waxaan leenahay cilaaqaad toos ah oo soo jireen ah, waxaana ku balanay in aan xoojino xiriirka labada dal” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Danjire Yogeshwar Varma oo ah safiirka cusub ee ay India u soo magacawday Soomaaliya oo isna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu ka guddoomo warqadihiisa aqoonsiga ee danjirenimo.

“Waxa ay ii tahay farxad in aan la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya, anigoo salaan qaali ah uga sida mas’uuliyiinta dowladda India iyo shacabkeeda, sida aad ogtihiin India iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo soo jireen ah, waxaana dhankeyga balan qaadayaa in aan sii xoojiyo xiriirkaasi” ayuu yiri Danjire Yogeshwar Varma.

Sawirada

India Somalia 5 India Somalia 4 India Somalia 3 India Somalia 2

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: