Calendar

SAWIRRO: Socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo tagay Puntland

RW Somalia oo tagay Puntland 2

Garoowe (Bartamaha) Raysal Wasaaraha Dalka Soomaliya Cabdiweli Shiikh Axmed iyo Wafti Balaaran oo uu hogaaminayey ayaa Maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalo Madaxda Dowladda Puntland ee Garoowe.

Soo dhaweynta Raysal-wasaaraha Dalka Soomaliya waxaa ka qayb qaatey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ,Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Camay ,Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ,Wasiiro, Xildhibaano ,Haween , Dhalinyaro iyo Dadweyne aad u badnaa ku waasi oo Safnaa Wadada laamiga ah Hareeraheeda.

Cutubyo katirsan Ciidanka Puntland iyo Kooxda baambeyda ayaa waxa ay salaan Sharaf wadajir ah siiyeen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Raysal Wasaaraha Dalka Sooamliya Cabdiweli Shiikh Axmed .

Soo dhaweyn ka dib ayaa Wafdigii uu Hogaaminayey Raysal Wasaare Cabdiweli loo soo gudbiyey aqalka madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe waxana halkaasi Shir jaraa’id kuwada qabtey Madaxweyne Gaas iyo Raysal Wasaare Cabdiweli Shiikh.

”Waxaa Sharaf Weyn noo ah in Puntland Gaar ahaan Caasimadda Garoowe nagu soo booqdo Raysal Wasaaraha Dalka Soomaalia Cabdiweli Shiikh Axmed iyo Waftiga uu hogaaminayo oo ay ku jiraan Wasiiro”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

”Raysal Wasaare Soo dhawoow Garoowe waa dalkaagi,waa dadkaagi way ku soo dhaweynayaan aad beyna shacabku kuugu faraxsan yahiin inaad noo timaado ”Ayuu yiri Madaxaweyne Gaas .

”Waxaan rajeyneynaa wax badan oo mugdi ah oo soo dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland in booqashadaadu ay daweynayso ayna u tahay in xiriirkaasi wanaagsanaado ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

”Sidookale waxaan rajeynayaa wax badan oo Dowladda Puntland ka tabaneysay Dowladda Federaalka inaad u wadid ayaan filayaa,sidaa daraadeed waxaan rajeynayaa in booqashadaadu noqoto booqasho guul ah ”Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas .

Ugu Dambeyn Raysal Wasaarah Dalka Soomaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa Madaxda iyo Shacabka Puntland uga Mahadceliyey soo dhaweyntii wanaagsaneyd ee ay u sameeyen.

”Waxaan rajeynayaa Kheyr baan idin kala kulanaye in idinkana aad Kheyr nagala kulantaan ”Ayuu yiri Raysal Wasaare Cabdiweli Shiikh.

Ra’iisal wasaaraha Inta uu ku sugan-yahay magaalada Garoowe iyo deegaannada Puntland waxaa lugu wada inuu la shiro madaxda dowladda Puntland iyo waxgaradka gobolka.

Waxaa la sheegay inuu tagi doono magaalooyin ka baxsan Garoowe oo ka tirsan Puntland halkaas oo u kula soo shirayo waxgaradka iyo odayaasha.

Shirar Puntland iyo wafdi uu hoggaamiyo ra’iisal wasaare Cabdiweli oo wasirro iyo xildhibaanno ay isagu jiran ayaa lugu wada inay billowdan maalin berrito ah,waxaana laga doonaya inay ka soo baxan qodobbo lugu soo afjarayo khilafka faderaalkaiyo Puntland,halka sidoo kale laga hadli doono qabka uu noqonayo maamulka gobollada Mudug iyo Galgaduud.

RW Somalia oo tagay Puntland 12 RW Somalia oo tagay Puntland 13 RW Somalia oo tagay Puntland 7 RW Somalia oo tagay Puntland 8 RW Somalia oo tagay Puntland 6 RW Somalia oo tagay Puntland 5 RW Somalia oo tagay Puntland 9 RW Somalia oo tagay Puntland 1 RW Somalia oo tagay Puntland 3 RW Somalia oo tagay Puntland 4 RW Somalia oo tagay Puntland 0

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: