Calendar

Gabaygii bidhaan Qaran oo Jawaab u ah Gabaygii Baafin ee Abwaan Xasan Garaad Warsame

gabayGabaygan waa gabay jawaab u ah gabay uu baafin u bixiyay saaxiib abwaan xasan garaad oo dhawaan ku soo baxay inta badan shabakadaha af soomaaliga lagu qoro ka dib waxaan jeclaystay isaga oo abwaanku codsaday qof weliba siday ula muuqato baadida abwaanka ka maqnay inuu la baafiyo inaan ra,yigayga sidaan u arkay u sheego  aniga oo ku tilmaamay baadidaas qarankii umada soomaaliyeed oo dhamaantiis hawada ka baxay sida  muuqaalkii haykalka dowladnimo, magacii wadanka, astaantii iyo calankii, baasaboorkii soomaalida, dhaqankii iyo dhaqaalihii oo ay hada marxaladu marayso in diintiina nin weliba meesha uu doono u adeegsado iyada oo ilaahayna balan qaaday inuu ilaashanayo waxbana aan laga bedelay balse waa aakhiro saman oo meel kasta arintu way gashay bal hadaba gabaygii

Bidhaan Qaran

Ba,da gabay ball aan mariyo baadsho xarafkeeda

Bajinteeda suugaanta iyo buundadiyo dawga

Bismilaahi waa magac allee bilow wanaagiiye

Bidhaan weeye khayrloo belada lagu xijaabaaye

Gabay waa badheedh oo xaqa lagu bikaacshaaye

Burhaan eebahay weeye   samaha lagu badhaadhaaye

Marna waa bilaashiyo xumaan lagu basbeelaaye

Marna waa bilkayd iyo su,aal lagu bariistaaye

Marna waa bishaaroo dadkaa loogu baaqaaye

Marna waa buruud oo xumaha lagu badbaadshaaye

Marna waa biriish oo runtaa looga baxayaaye

Bal aan mariyo maantoo kaluu baabsan leeyahaye

Ma badbaado ruuxii xumaha buun u tumayaaye

Muda waxuu barqaystaba marbaa buugga loo rogiye

Bellaayaada  ninkii baaniyee beenta ehel mooda

Ee booli quuta ee xumiyo baadilka u heesa

Mar uunbaa bidhaantiisa iyo  bilig la waayaaye

Baydkuu  lahaa iyo qabrigaa lagu buquujaaye

Bahdiisana  ma jiro ruux markaa boos la gelayaa

Afartaa  sidii loo bartay been ma ka ilaashay

Baydkii abwaan lagu yiqiin boos ma abaaray

Bilaash looma xaytee bidhaan quruxsan maw yeelay

Bulshadeena oo buug aqoon baadiyaha joogta

Barashada islaamkiyo quraanka badisa diinteeda

Sawtii belaayada cadiyo biritish soo duulay

Baadari talyaaniya sowkii badaha soo jiidhay

Boortaqiis dhashiisii wataa beledka soo buuxshay

Bandar iyo magaalo ay dhiseen beledyo waawayne

Dhaqankeenii ay buufiyeen booska laga saaray

Inagoo birtiyo seefta iyo waran ku bootayna

Oo aan bilaawaha boggiyo beerka hoos gelina

Bunduq  rasaas uu baray beliyo hoogoo dhan

Basbaaska ay nagu rideen manta nagu baahay

Berigaa ragbaa diidanaa booday oo nacaye

Barsane iyo xertiisii waa kuwii beegsadee galaye

Waa kuwii banaanada ka raray beeja waynaha e

Bashiir iyo ragiisiina ay  boodh ka kiciyeene

Birta waa kuwii lagu bilqay ee maydku buuxsamay

Waa tii biritishkii laga raray beledka soomaale

Sayidkii bilaawaha la dhacay boqonya wayntiiye

Baadiye beled waa kuwii buunka loo wacaye

Waa tii belaayadu dhacday ee booska laga saaray

Badda waa kuwii magansaday ee la baacsadaye

Bedelkoodii bay qaar madoow nagu bareen beene

Kuwa buundadoodii watiyo barashadii gaalka

Oo boogahoodii leh iyo beenta iyo tuugo

Oo aan ka baydhine jidkii buuxiiyaa jira e

Afartaa sidii bilaha khayr baaq ma ugu sheegay

Boorintii abwaan lagu yiqiin boos maka abaaray

Bilaash looma xaytee bidhaan quruxsan maw yeelay

Garaadoow adigaa baafiyey oo baadhay sheekada e

Adigaa baadi kaa maqan tahay oo beena aan odhane

Adigaa murtida baahiyay oo boosinkeed helaye

Beertaada guurtay  ee baxdaye canabku uu buuxshay

Iyo geela baadida ah ee boobka lagu qaaday

Iyo gabadh bidhaanteeda weli aad baadhayso

Bal aan faaladeed bixiyo oo buriyo xaalkeeda

Balbal iyo  walaac baa dadkii badidood qaadeene

Balse waa su, aal bilicsanoo maanku buuxsamiye

Qarankiyo bidhaantii dalkiyo calan buluuglayda

Bulshadeenii soomaaliyee geeska bari joogtay

Maabkaan ka baadhay oo malaha buurad iyo muuqe

Booskeedii niman baa gatay oo beeso dhaafsadaye

Niman bower iyo xoog wataa baando keensadaye

Gumaysaa u baxay oo ma jiro ruux baxsanayaaye

Buul iyo sar  beer   iyo cariish baadiye-iyo tuulo

Bananka iyo duurka badda-iyo  webiga boociisa

Meel baydhsan iyo buurta iyo bacaddaadaa yaala

Intaba beec ayaa lagu ridayoo bound la dhaafsaday

Bangiyaa la dhigay rahantii waa la baabsadaye

Bulshadiyo dadkii waa birayn ama inuu boodo

Baxo oo banaanada u qaxa buubo gebigiisba

Baabacaha mid laga gooyo iyo boqonka taagiisa

Iyo biidhe qaate aan ogayn bixisadaa taala

Oo beeso loo daadiyaa baarcad foofsadaye

Maandeeq banaan laga helyoo booli lagu qaad

Inta aad hurdada bogan garaad  eed riyada baafin

Barbarkaaga weeyee  intaad jiifto buulkaaga

Beertii maqnaydiyo hashii baadidii gabadha

Bidhaantooda waad sugi bari saadanboo idile

Ama baafi oo baadi doon qarankan boos waayay

Ama buurahaa sare ka fuul beladan xiimaysaa

Ama kaba baqooloo garaad baasaboor doono

Dhulkan beecsan yaan lagugu qaban boolisbaa jira, e

Afartaa bidhaan ii baxdiyo barashadaydii dheh

Basarkii abwaan lagu yaqaan booskii ma abaaray

Bilaashan looma xaytee bidhaan quruxsan maw yeelay

Badidiisa hadal waa bilaash baydka uun dila,e

Intaasaan kusoo baabayaa  buuradkii gabaye .

Fiiro Gaara:- Gabaygii Baafin ee Abwaan Xasan Garaad Warsame Halkan guji linkigan

http://somalitalk.com/web/2010/04/01/gabay-baafin-abwaan-xasan-garaad-warsame/

http://xogta.com/news.php?readmore=249

http://www.bartamaha.com/?p=24522

Waa Qalinkii iyo Hall_abuurkii

Cabdiraxiin  Hilowle Galayr

[email protected]

Comments

comments

Category : Gabayada [ POETRY ], Wararka Maanta.
« »

Comment: