Calendar

Siyaasadi Aabe ma leh (GABAY)

gabayMaansadan waxaan la yidhaahdaa (Siyaasadi Aabe ma leh) ka dib waxaan tiriyay markaan arkay ujeeda xumada ay umada soomaaliyeed maalin walba kii shalay eedaha iyo xumaanta ku falay misana ay sii boqrayaan ee ay ka dhigaayaan kan ugu mudan ee ugu wanaagsan hadhowna ay eed mar kale dusha ka saarayaan , waxay doortaan dhagarqabe, dhiigyacab, dhuuniraac, dhoohane, dhaanraac, dharaarmaal iyo dhawr kale oo kasii daran

Bal hadaba aqristoow maansadii siyaasadi aabe ma leh iyo dheehasho wacan.

Aduunyadu waa ibtilo

Arliga ruuxii ku nool

Inuu amakaag arkaa

Ileen abid way jirtoo

Umadu way wada ogtee

Bal aan arinkayga iyo

Ararta suugaanta iyo

Ujeedada hoos u dego

U fiirsada idil ahaan

Aduunyada laguma arag

Umad aan kala danbayn

Aqoonin samaanta iyo

Asluubtiyo dhaqanka oo

Ilaalin hidaha samaha

Abkeed iyo oday ka reeb

Asalkeedii horiyo

Waxay abidkeed ahayd

Waxuu yidhi ani miyaa

Waxaan ahay inan gobeed

Ugaas wiiluu dhaloo

Awoowgey waa islaan

Awliyaan wada nahoo

Iftiin iyo nuur anagu

Anaa ugu mudan dadko

Abkeeda inaan ahoo

Ehelkii dowladnimo

Aqoona u leeyahoo

Inaan ahay aar libaax

Miyaad igu diidantiin

Arinka anigaa iska leh

Usha waa tayda qudha

I doorta wax iigu dara !!

Intay isa seeg wadaan

Umadu kala ooddan tahay

Arliga ololuhu ka jiro

Arinku afar iyo badhyahay

Intay wada aniga tahay

Siyaasadi aabe ma leh

Ogaadaay ina maqlaay

Af dahabiyo uur dahsoon

Abaabul wanaag u eg

Iskaashi xumaata dhala

Is diidmo aan naga dhamaan

Isii anigaa ku mudan

Infaaca anigaa iska leh

Abuurka anaa lahaa

Anaa udubkeeda muday

Anaana usoo halgamay

Anay aqalkayga tahay

Aniga magacaygu yahay

Askari oo laga baqaa

Anigaa umadii qaribay

Anigaa dhacay maal agoon

Anaa gubay ehelkayaga

Anaa u istaahiloo

Inkaariyo awsimaad

Alhuumiyo eeda qaba

Anaa ah waxuu ahaa

Anaa ka ah kii ahaa

Anay igu wada dhan tahay

Intay isa seeg wadaan

Umadu kala ooddan tahay

Arliga ololuhu ka jiro

Arinku afar iyo badhyahay

Intay wada aniga tahay

Siyaasadi aabe ma leh

Ismuujin anaa iska leh

Anaa ubadkeed ahaa

Ana idhi layma odhan

Anaa eraygeeda iyo

Aqoonteed igu dhantahay

Indhuhu waa aniga qudha

Aduunya waxii yimaad

Infaacii soo kordhana

Afkaygiyo labada daan

Aniga uunbaa iska leh

Inaan oogada sudhaa

idilkeed alamsadaa

Inaa aqal wayn dhistaa

Umada wada aamusta

asaraaarka iyo buuq

ashtako eediyo dacwo

afkeeda ka dhawrata

amaan ii raacisaa

ayaan xaq u leeyahaye

misana way wad ogyiin

inaan oday caanahoo

Agaasima dhiiladoo

Albaabka xumaantaiyo

Olalaha dhiiga fura

Inaan ubadkooda cunay

Inaan ahay aar dad liqa

Inaan ahay eeda qabe

Intuu ina hebel ahaa

Inaan aniguna ka ahay

Inaan uga daray weliba

Intu ina hebel ku falay

Intaasoo iinnahiyo

weliba eel ii qarsoon

Ayaan la diyaar ahee

Miyaad igu diidantiin

Arinka anigaa iska leh

Usha waa tayda qudha

I doorta wax iigu dara !!

Intay isa seeg wadaan

Umadu kala ooddan tahay

Arliga ololuhu ka jiro

Arinku afar iyo badhyahay

Intay wada aniga tahay

Siyaasadi aabe ma leh
____

Waa Qalinkii Hal Abuurkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr
[email protected]

Comments

comments

Category : Gabayada [ POETRY ], Wararka Maanta.
« »

Comment: