Calendar

War hoy Belada haw baaqinina Huruda Buulkeeda.(Abwaan C/lahi Yusuf Bilaadi Xeyle)

bilaadSuugaanta (Somali Voice) :Barnaamijka Soo bandhiga Suugaanta Abwaanada ee Bulshada Soomaaliyeed, ee todobaadkan oo ah barnaamijkii u horeeyey ee aan ku soo bandhigno Somali Voice, Waxaan ku soo qaadanaynaa gabay aad umug weyn oo uu leyahay Abwaanka Weyn ee Soomaaliyeed Abwaan Cllahi Yuusuf  Xayle (Bilaadi). Abwaanku wuxuu ka mid yahay abwaanad ugu ereyada  culus gabyada Afka Soomaaliga, wuxuu inta badan abwaan Bilaadi ka hadlaa wacyi gelin iyo Arimaha Bulshada, maalmaha soo socda ayaan soo  gudbin doonaa qeybo kale oo kamid ah gabayada abwaan Bilaadi, Gabaygan waxaa layiraahdaa “War hoy Belada haw baaqinina Huruda Buulkeeda”.

Gabaygan  waxa tiriyey  Abwaan Cllahi Yuusuf  Xayle (Bilaadi), waxaana u si yar oo kooban uga hadlayaa inaan la  buunbuunin wax yar oo la maqlo, oo ay haboon tahay inaan laga dhigin wax weyn wuxuu yiri:

  • Gugii baa balaartay oo u da’ay baari iyo xooge.
  • Bari iyo galbeed laga bogsoo budul abaareede.
  • Bartii hore markii ay da’day oo gaadhay beled koo dhan.
  • Oo geedihii soo bexeen Eebbe barakeeyey.
  • Durba caanihii soo bate oo buuxsan hogorkiiye.
  • Xoolihii bishii hore gurnaa waa ban ka irmaane.
  • Taasina sow bushaaro iyo khayr soo ban baxay maaha.
  • Waanada bayaanka leh run baa lagu bireeyaaye.
  • Warhooy beleda haw baaqinina huruda buulkeeda.
  • Nabada iyo barwaaaqada dhacday oo beesha wada gaadhay.
  • Goortaynu wada baarigno baa Eebbe sii badine.
  • Bismilaahi baa lagu cunnaa badarka sooreede.
  • Buuq iyo ilaaq laguma hello baydi iyo khayre.
  • Bini’aadam goortuu dhergo buu kibir bilaabaye.
  • War hoy belada  haw baaqinina huruda buulkeeda.
  • Bacda beenta laga buuxshay oo suuqa lagu baahshay.
  • Fidmada shacabka lagu beerayaa waa bashiish xumo eh.
  • Uma baahnin baarud qarxa iyo belel rasaaseede.
  • Iimaanqab buuxa baa xumaan lagaga bayraaye.
  • Burbur bayna soo maray colaad bayd ma dhaafta eh.
  • Warhooy beleda haw baaqinina huruda buulkeeda

Gabaygan Waanu Kaso Qornay Ibraahim C/laahi  Yuusuf Xeyle “Ibraahim Bilaadi” oo ah wiil uu dhalay abwaanku, Ibraahim waxa uu ururiyaa gabayada iyo suugaanta Soomaalida, wuxuuna jaamacad ka bartaa wadanka Malaysaia.

Waxaa isku soo duba riday, gabayo kalena idin soo gudbin doona Suleymaan Cismaan Saalax oo ah innan u ololeeya arimaha Bulshada Soomaaliyeed.

Wixii gabayo ama suugaan u baahan qorid iyo soo daabicid loo soo bandhigo bulshada Soomaaliyeed, Somali Voice wuxuu aad usoo dhowaynayaa cidkasta oo haysa ama ururisa suugaanta Soomaalida, waxaad qoraaladiina iyo talooyinka, noogusoo hagaajin kartaan ciwaanada hoos ku qoran.

[email protected]

[email protected]

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Gabayada [ POETRY ], Wararka Maanta.
« »

Comment: