Calendar

12-qof oo shil gaari ku dhimatay duleedka Kismaayo.

shil xunBartamaha (Kismaayo):-Shilkii ugu qasaaraha badnaa dhawaanahan oo shalay ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Shilka gaari ayaa ka dhacay deegaanka Xaar-Xaar ee dhaca duleedka Magaalada Kismaayo halkaasi oo uu ku rogmaday gaari nuuca Waaraadka ah oo ay saarnaayeen dad ka soo baxay Xerada Xagardheer.

Gaariga ayaa si xun u rogmaday ka dibna ay halkaasi ku nafwaayeen in ka badan 12-ruux halka 8-kalana dhaawacyo daran ay soo gaareen sida ay xaqiijiyeen maamulka Alshabaab Kismaayo.

Xasan Yacquub Cali oo ah madaxa  Arimaha Bulshada Alshabaab Kismaayo ahna Gudoomiyaha Kismaayo ayaa saxaafada u xaqiijiyay geerida dadkaasi iyo dhaawacyada daran ee soo gaaray dadka kale.

Sargaalkasi waxa uu sheegay in ay dhinteen 12-ruux oo badankood ahaa Carur iyo Haween markii uu ku dul fariistay gaariga iyo rarkii saarnaa taasi oo sababtay geerida dadkaasi.

Isbitaalka Kismaayo ayaa la dhigay in ka badan 8-dhaawac ah oo u badan Caruur da’yar oo dhaawacyo aad u culus ay ka soo gaareen qeybaha kala duwan ee jirkooda.

Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa balan qaaday daweyntooda Maamulka Alshabaab ee Magaalada Kismaayo maadaama dadkaasi ay ahaayene Qaxooti ka soo tagay Xagardheer oo aan haytsan awood ay isaga daweeyaan dhaawacyada gaaray.

Xafiiska www.Bartamaha.Com ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: