Calendar

Afhayeenka Alshabaab oo ku hanjabay in ay layn-doonaan Ciidamada Amisom haddii ay dibada uga soo baxaan dhufaysyadooda Muqdisho.

sheekhBartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Kooxda Alshabaab Sheekh Cali Maxmuud raage oo saxaafada saaka la hadlayay ayaa waxaa uu shaaca ka rogay in ay Ciidamada Amisom dhibaata kala kulmi doonaan qorshayaasha Magaalada Sirta Liibiya ka socda haddii ay ku dhaqaaqaan.

 

Sheekh Cali Afhayeenka Alshabaab ayaa waxa uu sheegay in ay ogaadeen qorshayaasha ka socda Magaalada Sirta Ee Dalka Liibiya halkaasi oo uu sheegay in laga wado qorshayaal Ciidamada Amisom lagu soo dajinayo gudaha xaafadaha Magaalada Muqdisho si ay wadooyinka uga dagaal galaan.

Afhayeenka Alshabaab aya sidoo kale tilmaamay in Dowladaha qaar ay doonayaan in ciidamo ay u soo diraan soomaaliya balse ay ka caga jiidayaan howlgalka tooska ah ee wadooyinka taasi oo ayuu sheegay in ay xasuustaan dhibaatooyinkii wadooyinka ay kala kulmeen ciidamadii itoobiya.

Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Alshabaab ayaa waxa uu wacad ku maray in wadooyinka ay ku jiidi doonaan maydadka Ciidamada Amisom ee haatan doonaya in magacii hore ay badashaan isla mar’ahaantaana ay noqdaan Nabad dhliyayayaal taasi oo uu sheegay in ujeedkeeda ay tahay in shacabka somaaliyeed hantidooda ay dhacaan sidii ay ku dhaqaaqeen ciidamadii Itoobiya sida uu sheegay afhayeenka Alshabaab.

Hadalkan ayaa yimid xilli shalay Kooxaha Islaamiyiinta Mucaaradka ee mayalka adag ay ku dhawaadeen xaruntra madaxtooyada halkaasi oo ay ka soo galeen dhanka Degmada Shibis Ee Muqdisho halkaasi oo ilaa ahaatan ay ku suganyihiin goob u jirta Villa Somalia wax ka yar 1KM oo jihooyikii hore haddii lagu daro ay noqonayaso Villa Somalia mid saddex jiho lagaga soo dhawaaday.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: