Calendar

Alshabaab Gal-Gaduud oo kulan Fursad raadis ah la yeelatay Odayaasha iyo Ganacsatada Gobolkaasi.

amirBartamaha(Ceel-Buur):-Maamulka Alshabaab Gobolka Gal-gaduud ayaa maanta shir balaaran la yeeshay Odayaasha iyo Ganacsatada Gobolkaasi iyagoo amray in ay la shaeeyaan Maamulka Islaamiga ah.

Kulanka maanta ka dhacay Degfmada Ceel Buur ayaa waxa uu yimid ka dib markii khilaaf aan sidaa u balaarneen laga dareemay Ahlu sunnah dhexdooda maadaama ay maamulaan inta badan Gobolka Galgaduud .

Kulanka oo saacada qaatay waxaa hadal dheer ka jeediyay Gudoomiyaha Alshabaab ay u magacaabeen Gobolkaasi kaasi oo Odayaasha iyo Ganacsatada faray in ay maamulka Islaamiga ah la shaqeeyaan.

Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba-ku-dukade oo ah Masuulka Alshabaab Galgaduud ugu sareeya waxa uu ganacsatada ku amray in ay dhisaan dhammaan xarumaha Maamulka uu ku shaqeyn lahaa.

Waaliga Alshabaab Galgaduud waxa uu intaasi ku daray in ay doonayaan dhawaan in ay shaqo muuqata ka qabtaan Guud ahaan Gobolka Galgaduud si ay deegaanada kala duwan u qabsadaan.

Isku soo duub kulanka maanta ka dhacay Galgaduud ayaa imaanaya xilli dhawaanahan hadalo is diidan ay ka soo baxayeen Maamulkii Ahlu sunnah Galgaduud oo laga yaabo in uu burbur wajaho maadaama ay Beelaha ay ka koobnayd Ahlu sunnah siyaasada ku sii kala tagayaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: