Calendar

Alshabaab oo sheegatay weerarkii is qarxinta ahaa ee shalay Muqdisho ka dhacay.

 

sheekh-xuseen-fiidow-alshabaabBartamaha(Muqdisho):-Madaxa Siyaasada xiriirka Gobolada Alshabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo xalay la hadlayay warfidiyeenada ayaa shegay in wiil ka mida ah kooxda Alshabaab uu ku dhiiraday falkii shalay agu weeraray Xerada Haama dhowr oo ay ku xaraysnaayeen ciidamada dowlada Fd soomaaliya.

 

Masuulkaasi u hadlay kooxda ALshabaab ayaa shaaca ka qaaday in C/Qaadir Xasan Maxmed Catiir uu shalay camaliyad uu ku tilmaamay mid naftii hornimada ah uu ku qaaday goob uu tilmaamay in madaafiic shacabka looga soo tuurayay maalmihii la soo dhaafay.

 

Sheekh Xuseen Cali Fiidow ayaa intaasi ku daray in ay qasaara ka soo gaartay qaraxaasi ciidamadii goobtaasi uu tababar uga soconayay kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ku sii wadayaan qaraxyada tan iyo inta dalka ay ka saarayan.

 

Hadalkan sheegashada falkii shalay lagu qarxiyay ciidamada dowlada ayaa ku soo aadaya xilli galinkii danbe ee shalay wasiirka warfaafinta dowlada soomaaliya u ku eedeeyay falka is qarxinta ah dhaqdhaqaaqa alshabaab.

 

Xafiiska wararka Soomaalida www.Bartamaha.Com

 

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: