Calendar

Baarlamaanka Dowlada Fd Soomaaliya oo maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ga’aanka Sharciga Dag-daga ah.

manbBartamaha (Muqdisho):- Mudanayaasha Baarlamanka Dowlada Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay ga’aankii sharciga dag-daga ahaa oo ay xukumada soo jeedisay dhawaan.

Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii labaad oo ay kaga doodayeen arimaha sharciga dag-daga ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si rasmi ah u ansixiyeen go’aankaasi ka dib dood qaraar oo halkaasi ka dhacday.

kulanka maanta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa  mudanayaal gaarayeen 480-mudane kuwaasi oo horey qaarkood ay fekeradooda u cabireen balse maanta ay fulankaasi xubna kooban ka hadleen.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa mudanayaasha ka dalbaday in ay codeeyan isagoo ka dib gacan-taag ay mudanayaasha sameeyen ku dhawaaqay natiijada codki baarlamanka.

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa sheegay in 451-Mudane ay ansixiyeen go’aankaasi halka 23-xildhibaan ay diideen sharcigaasi taasi oo natiijada ka dhigaysay in la ansixiyay go’aanka shrciga dag-daga ah ee dalka mudo Saddexda bilood ah la saarayo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: