Calendar

Barakacayaal cusub oo gaaray Deegaanada lagu barakacay xilli xiisad colaadeed laga dareemayo inta badan Caasimada Muqdisho.

barakacayaal2
Bartamaha (Muqdisho):-
dad hor leh oo ka barakacay Magaalada Muqdisho ayaa gaaraya Deegaanada hore loogu barakacay Ee Gobolka Sh/hoose iyo Wadada  Muqdisho iyo Afgooye isku xerta.

Dad cusub oo ka soo barakacay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay gaareen Deegaanada lagu barakacay halkaasi oo horey ay dhibaato ugu heysatay shacabka Muqdisho ka soo cararay.

Goobaha dadka ay ka soo barakaceen ayaa waxaa ka mida Degmooyinka X/Jajab,Waabari,Hodon,Howl-wadaag,iyo Yaaqshiid oo ahaa dhammaan deegaano horey dadka ay uga soo carareen.

Barakacayaasha ka baxaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayay wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye iyadoo ay gawaarida saaranyihiin dhammaan alaabaha fudud oo dadkaasi ay qaadi karaan.

Dadka barakacayasha ah ayaa marka aad la sheekaysatid waxa ay kuu sheegayaa in ay cabsi ka qabaan hanjabaadyaha ka soo baxay dhinacyada dalka soomaaliya isku haya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartmaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: