Calendar

Bartamaha Forum (March)

Waxaa gacanasiga weyn ee First Cup Café ee kuyaala magaalada Minneaplis, gobolka Minnesota lagu qabtay kulan aad u qiimo iyo qaayo badnaa oo ay dhalinyaro arday ah iyo aqoon yahaniin Soomaaliyeed isku dhaafsadeen afkaartooda ku aadan dhibaatooyinka soo wajahay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Kulankan oo ay hirgeliyeen First Cup Café iyo www.Bartamaha.com dhacayna 22kii bishan Maarso, 2009 ayaa wuxuu ahaa mid jawigiisu iyo qaabka loo soo agaasimay uu aad uga duwanaa kulamadda ay bulshada Soomaaliyeed qabtaan inta badan. Dhamaan dadka ka hadlay ama afkaartooda ka dhiibtay kulankaas ayaa ahaa dhalinyaro iyo da’yar Soomaaliyeed.

Dhegayso waraysi ay ka qaday Somali Community Link Dhalin yaradan

Barnaamikjan ayaa waxaa isagu daadihinayay Ahmed Ceegaag oo ah qoraa Soomaaliyeed, takhasuskiisa waxbarashona ama shaqona ay tahay Electrician. Dhalinyarada iyo aqoon yahaniinta kulankaas hadal qaybsiga ah ka qaybgashay waxay kala ahaayeen, Ahmed Ali, Khalid Caydiid, Maryan Warsame, Leyla iyo Farxan.

Maryan iyo Leyla ayaa iyagu kamid ah urur layiraahdo Gravity Hope. Waxayna dadweynihii halkaas ka soo qaybgalay u sheegen in ururkan aas aaskiisu ka bilowday dhalinyaradan oo ka damqaday arrimaha iyo dhibaatooyinka soo wajahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee kunool gobolka Minnesota. Dhamaan shaqsiyaadka kulankan ka qaybqaatay ayaa iyagu si khaas ah uga hadlay waaya aragnimadooda iyo sida ay dhalinyarada guud ahaanba dhib badani u haysto.

Dhibaatooyinka dhalinyarada soo wajaha ee kulankan lagu falanqeeyay ayaa waxaa kamid ahaa, in qaar badan oo dhalinyarada Soomaaliyeed ka mid ahi ay wakhtigooda qaaliga ah khasaariyaan, waxbarashadana ayna muhiim u arkin oo cashiradooda iyo layliska macalimiintoodu udiraan ay beeldareeyaan. In waalidka Soomaaliyeed ayna ka warhaynin waxbarashada ubadkooda, aqoona ayna u lahayn hab waxbarasheedka iskuulada ay caruurtoodu aadan.

Axmed Cali oo isagu lashaqeeya dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa wuxuu meesha ka sheegay in ilmuhu sidoodaba da’yar wax ku barankaraan, balse waalidka Soomaaliyeed ayna ilmahooda u sheekaynin, waxna ayna barin inta ay caruutoodu yaryihiin, halka waalidka Jaaliyadaha kale ee aan wadanka ama gobolkan la daganahay ay caruurtooda da’yar kula sheekaystaan, waxna baraan.

Guud ahaan kulankan wadahadal ee afkaar is weydaarsiga ayaa ahaa mid cajiib ah, bulshada Soomaaliyeedna ay aad ugu baahantahay wacyigelinta iyo wadahadalka noocan ah. Maamulka First Cup Café Baashi Saciid iyo Maxamed Wiil Waal (www.Bartamaha.com) oo iyagu suurto galiyay kulankan ayaa iyagu siday ii sheegen sii wadi doona kulamada noocan ah ee looga faa’idaynayo bulsho weynta Soomaaliyeed.

W/Q: Abdirahman “Abdirashiid” Mukhtar
Sawiradii: Mohamed Wiil Waal

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Bartamaha Forum, Diaspora, VIDEOS and tagged .
« »

Comment: