Calendar

Shiikh Soomoow oo dib u helay xuriyadiida kadib markii la xeray

Sheekh C/qaadir Soomow oo ka mid ah Masuuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca oo Shalay ay xireen Ciidanka Booliiska dowladda ayaa la sii daayay.

Sheekha oo markii la sii daayay maanta waxa uu lahadlay bahda saxaafada asagoona sheegay in uu u maleynayo sababta loo xiray in ay taahy dagaalka uu kula jiro Ururka Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Soomoow ayaa yiri: “ waxa ay igu yiraahdeen damiin ayaa laguugu sii daayay , oo waxaa ku damiintay Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed”

Sikastaba Sheekh C/qaadir Soomow ayaa shalay lagu wargeliyay in lagu xiray amar la imaaday dhanka Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh ayadoona aan la sii faa’faahin hadalkaas sida uu asagaba uu u xaqiijiyaya Saxaafada.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Bartamaha Forum, Featured, Latest Somali News, Most Watched, Selected Speeches of Siad Barre, Wararka Maanta, Wargelin Show.
« »

Comment: