Calendar

BEERKA KA OGSOONI!

Sabriye Macallin Muuse sabkaxaaji@hotmail.com

Sabriye Macallin Muuse - [email protected]

Soomaaliya tan iyo xornimadii inay soo xukumi jireen madax kala heer-heer ah, hase yeeshee ka siman inay nidaam cilmaani ah iyo dastuur Talyaani dalka ku xukumi jireen, diintuna ahayd mid ku kooban dugsiyada Qur’aanka, masaajidda tafsiirka iyo xadiithka iyo mowlacyada dikriga iyo fooxa, beerka ka ogsooni.

Maanta, markii ugu horreysay taariikhda, wadaad khudbadiisa ku billaabaya: Bismil-Laahi was-Salaatu was-Salaamu calaa Rasuulil-Laahi, inuu Soomaaliya madax ka noqday, beerka ka ogsooni. Soomaaliya iminka inay maamulaan; wadaad dhahaya kuna celcelinaya Shreecada ayaan dalka ku xukumayaa iyo baarlamaan ansixiyay in dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka, lana beddelo shuruucdii Talyaaniga iyo Faransiiska iyo xeerkii Qoyska uu madaxweyne Maxamed Siyaad Barre xarriiqay, taasna beerka ka ogsooni.

Rag dawladda hadda jirta ku jira oo aanay arrinta shareeca-ku-dhaqanku dhab ka ahayn, shareecada laga hadlayana marka horeba aan garanayn, damacooduna yahay Al-Shabaab iyo Xizbul-Islaam indhaha uga duuga, ummaddeenna diinta jecelna ku beer laxawsada. Raggaasi inay dawladda ku jiraan, beerka ka ogsooni.

Dawladda Islaamka ahi intay cageheeda iskaga taagayso in ragga iimaankoodu liito iyo uur-ka-gaalada loo dhimriyo oo cagta dhulka loo dhigo, Sheekh Shariif inuu qabo iyo inuu weliba taatikadaas tubtii Nabiga (SCW) ugu taagan yahay, taasna beerka ka ogsooni. Usaale ahaan; dagaalkii Xunayn raggii uur-ka-gaalada ahaa iyo kuwii aanu iimaanku quluubtooda si fiican u gelin oo iyagu Nabiga (SCW) la socday, ciidankiisana kamid ahaa, markay arkeen jabka muslimiinta ku dhacay, in wixii uurkooda ku jiray afkoodu soo dafay beerka ka ogsooni. Abuu Sufyaan ibnu Xarb inuu yiri: “Lama jebin haddaan badda lagu shubin”. Jabala ibnu Xambalna yiri: “Allaylehe Sixirkii ma buray maanta”. Safwaan ibnu Umaya oo markaas weli gaal ahaa, ciidanka muslimiintana la socday, caadifad qabiil intay qaadday, inuu yiri: “Aamusa afka Alle idin gooye. Ilaah baan ku dhaartaye in nin Quraysh ahi i gumaysto baa la’ii qaatay intuu nin Hawzaan ahi i gumaysan lahaa”. Nabigu (SCW) raggaas isagoo iimaankooda liita ka warqabay, misana inuu soo watay, waa intaas ooy dib ka hagaagaan sidii dhab ahaanba u dhacday, arrintaasna beerka ka ogsooni.

Sheekh Shariif, sidaas darteed, inuu Soomaali kala aragti iyo iimaan duwan meel isugu keeno, si tartiib tartiib ahna arrimaha u beddelo oo dagaal iyo ad-adayg ka daayo inuu ku saxsanaa, taas oo keentay in labaatan sano oo dagaal sokeeye ah keddib, markii ugu horreysay, dad dawladnimo u dagaallamayay, dad diin u dagaallamayay iyo dad qabiil u dagaallamayay ay gacmaha intay is-qabsadeen dawlad qura dhisteen, shareeca Islaamna qaateen, iyadana beerka ka ogsooni.

Khaladka ugu weyn ee Sheekh Shariif galay, inuu ahaa isaga oo jagooyinkii ugu waaweynaa dawladda labada beelood ee gobolka Mudug koonfur iyo waqooyi ka degta isugu daray, cid kasta oo kalena gacan bidxeeyay, taasna beerka ka ogsooni. Khaladkaas taariikhiga ah sababta ku riixday inay ahayd isagoo is lahaa shartooda uga nabad-gal, iyana beerka ka ogsooni.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: (Nin naagtaada rabaa gabadhayda hoo kaama yeelo) ee labadii beeloode uu wax kasta aan ka ahayn kursiga uu isagu ku fadhiyo isugu daray, beel kamid ahi inay shaar Al-Shabaab soo huwatay oo Shariifkii weerar afarta jiho kaga asqaysay, beerka ka ogsooni. Beeshii kale markay aragtay inay Baraka ma leh joogto, kursigii ay ilaashanaysayna gacanta kasii baxayo, ciidankii Shariifkana lasii baacsanayo, inay iyana garabkiisa ka baxday, oo intay dhan isugu bayrtay, Xizbul-Islaam la baxday, beretankana dhineceeda ka gashay, iyadana beerka ka ogsooni.

Shariifka raggii shalayto majliskiisa ugu muuq roonaa ee qaar cimaamadaha watay qaarna cunaha dhuuqsaday, markay xabbaddu isku dhacday, qaybtii lagu ogaana faaruqiyeen, qoladii uu ka dhashay inuu u qaylo dhaansado in lagu qasbay, taasna iyana beerka ka ogsooni.

Labada beelood ee Mudug, midi inay tan kale makri maleegga iyo xaq mija-xaabinta macallin ugu ahayd, beerka ka ogsooni. Macallimiintii markii ay Al-Shabaab noqdeen, inay magac Ansaar la bexeen, Muhaajiriin ajaanib ahoo marka Soomaaliya la qabto amiirro noqon doonana soo wateen, iyaguna inay manaasib wasiirro qaataan qorshaysteen, beerka ka ogsooni.

Ardadii aflaxday ee Xizbul-Islaam la baxay, beecaasi inuu ka daadegi waayay, kursigii ay muddada dheer bawdka iyo hawdka ugu jireenna hal bacaad lagu lisay sii noqonayo inay ku baraarugeen, beerka ka ogsooni.

Xizbul-Islaam inuu turubkii dib u baandhaynayo, Shariifka iyo baandadiisa inay is-bahaystaan kollay inuu beylah dhigo ugama aanay barane, iyagoo ka duulaya: (Ushaada nin aad ka qaadan kartaa loo dhiibtaa) ay beesha kale ee Mudug wadajir iskaga caabbiyaan, qorshe noocaas ah ka baaraan degiddiisu inay socoto, taasna beerka ka ogsooni.

Isku soo duuduub, waxa loo beretamayaa Islaam bilid iyo Soomaali badbaadin in aanay ahayn ee Muqdisho oo la qabsado iyo madaxweynenimo tahay, si taas lagu gaarana qof kasta oo maamuus leh in marka hore la dilo oo meesha laga saaro, marrista iyo haweenka iyo duqaydana dabeeto moortar lagu laayo, in maqsadka reer Mudug yahay, anigu kollayba beerka ka ogsooni. 

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles.
« »

Comment: