Calendar

Biya la’aan soo wajahday dadka dagan Degmada Balad-Xaawo Ee Gobolka Gedo.

booyadahaBartamaha(B/Xaawo):-Biya la’aan ayaa ka jirtay maanta Degmada Balad-Xaawo halkaasi oo gaadiidka Booyadaha ay shaqo joojin ka sameeyeen.

Gaadiidka Booyadaha Biyaha qaada ayaa shaqo joojin ku dhaqaaqay Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo markii lacagaha shidaalka lagu kordhiyay.

Waxaa maanta guud ahaan Magaalada dadka ay ka waayeen Biyo iyadoo aanay jirin wax Booyad biyo ah oo u dhaqaaqay sidii magaalada Biyo looga heli lahaa.

Maamulka Alshabaab ayaa duhurnimadii maanta isku dayay in ay amar ku siiyaan Darawalada Booyadaha in ay biyo soo qaadaan taasi oo xujjo looga dhigay in shidaalka qiimihiisii hore loo soo celiyo.

“Reer Balad-Xaawo maanta waa ay Oomanaayeen oo wax biyo ah ma haysan dhibaato ayaa na soo wajahday haraad awgiis ayaan la jiifnaa geedaha….” Ayuu yiri mid ka mida dadka reer Balad-Xaawo.

Wadooyinka Jubooyinka iyo Gedo ayaa roob jaray taasina waxa ay sabab ka dhigtay in wax walba ay circa isku shareeraan waxaana dhibaato ay ka dhalatay markii shidaalka iyo Kirada Booyadaha ay isbixin waayeen Degmada Balad-Xaawo.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: