Buundada Degmada Kamsuuma oo la Go’day Gaari Rakaab ah

Posted on Sep 15 2010 - 6:04pm by News Desk
Tweet
Pin It
100_6396
Buundada Degmada Kamsuuma oo qiyaastii 90km dhan waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa xalay saqdii dhexe la go’day gaari nooca xamuulka ah oo ka yimid dhanka magaalada muqdisho islamarkaasina kusoo jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose.
 
100_6490Mid kamid ah dadka ku dhaqan degmada Kamsuuma oo aan ka wareysannay qaabka ay buundada u go’day ayaa sheegay in gaariga oo ahaa mid siday xamuul aad u culus, waxaana uu sheegay in markii uu gaariga marayay bartamaha buundada ay dhinac ka go’day buundada kadibna uu gaariga gabi ahaanba ku dhacay webi, waxaana uu halkaasi dhaawac kasoo gaaray wadihii gaariga iyadoo uu ka badbaaday kirishbooyga, mana jirin wax dad kale ah oo saarnaa gaarigaasi.
 
Ma jiraan wax qasaare kale ah oo aan ka ahayn buundada burburtay iyo gaariga iyo hantidii saarnayd oo dhamaantooda salka u tagay webiga, waxaana soconaya dadaallo ay wadaan maamulka iyo dadka deegaanka kuwaa oo la doonayo in lagu badbaadiyo hantidii ku luntay halkaasi.
 
Kusimaha waaliga Jubooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyf ayaa sheegay in markii horeba ay buundada ahayd mid aad u itaal daran, hadana aysan ahayn wax lala yaabo in ay gaari la go’do, waxaana uu sheegay in ay maamul ahaan wadaan dadaallo ay doonayaa in ay ku dib ugu dhisaan buundada.
 
Buundada kamsuuma ayaa iyadu laf dhabar u ah isu socodka dadka iyo ganacsiga ee gobollada jubooyinka iyo qaar katirsan gobollada dalka Soomaaliya, waxaana uu maanta hakad ku yimid gabi ahaanba gaadiidka ganacsi iyo kan rakaab ee isticmaali jiray wadadaasi.