Calendar

Caalamka iyo Puntland oo maanta ku shiray Garowe

Waxaa maanta oo arbaco aheed caasumada Puntland ee Garowe ka furmay shir caalami ah oo kasoo qayngaleen beesha caalama iyo madaxda Puntland.

Shirkaan oo ahaa mid Dowlada Puntand ay Beesha Caalamka ugu soo bandhigaysay ujeedada ay kaleedahay Horumarkeeda,waxana goob joog ahaa Wafdi ka socda Midowga Afrika iyo IGAD,Madax ka socota UNSOM, Wadamada ay Safiiradu ka joogen waxaa kamid ahaa,Denmark,France,Germany,Ithalia,Norway,Sweden,Turkish iyo sidookale UAE,Masuulka ugu sareeya Bankiga Aduunka,Madaxa hay’adda Kaalmada ingiriiska ee Somaliya iyo Marti sharaf kale oo caalamka ka socday .

Dhinaca Dowlada Puntland waxaa ka qeyb galay Shirwaynahaasi madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ,ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Camay iyo xubno Balaaran oo katirsan labada gole ee dowladda Puntlad.

Shirkaan waxaa sidookale ka qayb galay Masuuliyiin ka socday Dowlada Fadaralka Soomaaliya oo ay kamid ahaayen Wasiirka Qorshaynta Soomaliya Siciid Cabdulaahi Dani iyo sidookale Wasiirka Waxbarashada Dowlada dhexe ee Soomaliya .

Mudadii uu socday Kullankaasi ayaa dowlada Puntland waxa ay soo bandhigtay qorshayaasha waxqabad iyo baahiyaha ay Dowalda Puntland doonayso in Beesha Caalamka ay wax kala qabato.

Puntland ayaa sidookale soo bandhigtay in muhiimad wayn ugu fadhido in Beesha Caalamka kala qayb gasho sidii loo dhisilahaa Wadooyinka Ceel Dahir ilaa Baran,Qandala ilaa Boosaaso,Eyl ilaa Garoowe,Gaalkacyo ilaa goldogob iyo sidookale Bandar Bayla ilaa Qardho.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo lahadlay Warbaahinta markii uu soo idlaaday shirkaasi,ayaa waxa uu sheegay in Puntland iyo Beesha Caalamka isla Gaaren In Puntland ay ku taageran horumarka ay gaartay .

‘’Waxaa kaloo laga hadlay shirka Baarnaamijka loogu magacdaray Hiigsiga Cusub,waxana anagu dhankayaga sheegnay inaanan ka soo horjeedin barnaamijkaasi laakin wixii ana aanu qabno oo barnaamijkaasi aanu iyaga u sheegno,kalana munaaqashoono ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Mudane Cabdiwali Gaas .

‘’Madixii Bankiga aduunka ayaa maanta timi soomaaliya gaar ahaan Puntland,mana imaan tobankii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya,waad garan kartaa Marka muhiimada beesha caalamka u leedahay Puntland ‘’Ayuu hadalkiisa Raaciyay Madaxwayne Gaas .

Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo Dowlada Puntland ee uu Hogaamiyo Madaxwayne Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Magaalada Garowe kula yeeshay Dalalka deeqaha bixiya iyo waliba Hay’addaha Caalamiga ah .

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: