Calendar

Sidee qof aad jeceshahay usoo jiidan laheyd (Geeraar Jaceyl)

Geeraarada Jaceylka badankoodu waa kuwa Anfaca Ruux wax jecel iyo kan Lajecelyahayba , Waxa uu ka qeyb qaataa Dib u dajinta Qalbiga isagoo Ruuxa adeegsadaa Qiimo uyeelo.

Hadaba Laamaankaaga Lab & Dhadig kuu yahayba Udir Dhanbaalkaan , Adigoo Ku Daraya magaciisa/Magaceeda iyo Ereyo kooban oo qalbigaaga ka imaanaya waa Hadii aad Si dhab ah ujeceshahay qofkaasi.

GEERAAR AMMAAN AH:

Dahab baa lagu moodaa

Hadduu ruux ku daawado

Kaama daayo eegmada

Danihiisa wuu gabaa

Da’yar wacan inaad tahay

Dadkaan u sheegaa

Daliil looma baahna

Da’yartii qurxooneyd

Dadku eegi waayeen

Dahab la mood inaad tahay

Daah igama saarna

Dooq hadduu jiro

Da’yar loo qaadiyo

Dad kale uma qalmo

Doolar iyo diinaar

Inta hanti dunidaan taalo

Adigaa ka door roon

Damqashada jirkeygaan

Weli wuu dareemaa

Daacad wacan inaad thay

Dadkoo dhan wey yaqaanaan

Waxaan Kasoo maaanguurinay Buuga Fariimo Jaceyl.

By: Staff

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : First Look, Warar Kale [ Other News ].
« »

Comment: