Calendar

Dad loosoo qab-qabtay weerarkii ka dhacay Magaaladda Baydhabo iyo…

bbbbbCiidamada Maamulka Gobolka Baay ee Dowladda Soomaaliya oo howlgallo kala duwan ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa soo Ogaaday halka laga soo qorsheeyay Weerar maalin ka hor ka dhacay bartamaha Magaalada Baydhabo.

Ciidamada oo helay Xog ku aadan in Qaraxii Ismiidaaminta ahaa laga soo abaabulay Garaash ku yaala Baydhabo ayaa waxey xireen Garaashkii waxaana sidoo kale ay u soo qab qabteen Qaraxaasi ku dhawaad 3 Ruux oo lagu tuhmay.

Gudoomiyaha Gobolka Baay oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Qaraxa lagu soo diyaariyay Garaashka islamarkaana uu Gaariga isku  Qarxiyay Magaalada Baydhabo Isagoona intaa ku daray in ay soo xireen Milkiilaha iyo labo ka mid ah Shaqaalaha Garaashka.

“Waxaa hubaal ah aan shaki ku jurin in Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay bartamaha Magaalada Baydhabo in laga soo qorsheeyay Garaash ku yaala Degmada balse waxaa soo qabanay 3 Ruux waxaana sidoo kale xirnay Garaashkii laga soo abaabulay Weerarkii Argagixiso” Gudoomiyaha ayaa sidaasi yiri.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: