Published On: Tue, Dec 25th, 2012

Geeraar Macaan oo Lamagac Baxay HAMUUN JACEYL.

Share This
Tags

Inta badan Geeraarku wuxuu ka qeyb qaataa kobcinta Jaceylka haba ugu badnaado waqtiga Haasaawaha Labada Lamaane ee Shukaansiga.

Geeraarkaan waxa uu la magac baxay HAMUUN JACEYL waxaana inta badan Shabakada Aduun.com idiin soo gudbisaa geeraaro hadba mowduuc ah kaasood Nasiibkaaga ku kasban kartid mid adiga kugu saabsan ama Magaca Lamaankaaga ku saabsan.

Ku bilaaw sedex sadar oo Jeybkaaga ah kaasood qalbigaaga ka keensanaysid hana ahaado mid Xarafka ugu horeeyo ka bilaawdo H kadib ku dabo qabo sidaan..

Hamuun baan kuu qabaa

Halbowlihii dhiigga siday iyo

Howl wadeenkii jirkoo idil

Heegan buu kuu yahey

Haddaan kuu jeedi waayo

Hurdo caashaq maan helin

Hilowga aan kuu qabo

Howlaha adduunkaa

Is hareero yaallee

Hoog iyo caloolyoow

Hurdo xumaan ku noolahay

Haasaawe maan helin

Hilowga aan kuu qabo

Habeenkii oo idil

Hareerahaan kaa dayaa

Hamuun caashaq baa I helay

Heesaha jaceylkuna

Adaa igu habay dhammaantood

Horaadkaaga I saaroo

Hamuunta iga gooy.

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

- Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. mohamed says:

    maata waa ka dhacay degmada marka qarax aad weyn

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";