Calendar

Ciidamada Dowlada oo saaka dagaal kula wareegay bariga Magaalada Balad-Weyn.

hiiraan-map-300x225Bartamaha(Balad-Weyne):-Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa saaka dagaal kooban ku qabsaday Magaalada Balad-Weyne halkaasi oo dhawaanahan ay ku sugnaayeen Ciidamada Xuzbul Islaam.

Ciidamada Saaka la wareegay B/Weyne ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo dhaqaaqeen deegaanka Ceel-Gaal ka dibna ay saaka ku soo jarmaadeen gudaha dhanka Bari Ee Magaaladaasi.

Rasaas culus ayaa mar qura laga maqlay fariisinada Ciidamada Xizbul Islaam gaar ahaan kuwa Sheekh C/raxmaan Mocow Ee bariga Magaalada halkaasi oo daqiiqado ay kula wareegeen Ciidamada Dowlada.

Wararka naga soo gaaraya Balad-Weyne ayaa sheegaya in ay Ciidamada Dowlada ay joogaan dhammaan xarumaha Dowlada sida Saldhiga iyo Xarunta Dowlada .

Lama oga halkii ay jaan iyo cirib dhigeen ciidamadii Xizbul Islaam oo maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ammaanka lagu suganayay ka waday Bariga Balad-Weyne.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: