Calendar

Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali iskaashana oo ka soo talaabay Xadka Hiiraan Iyo Bakool ay wadaagaan.

itoobiyaanBartamaha(Muqdisho):-Ciidamadan oo kun Askari kor u dhaafaya ayaa waxa ay isugu jiraan Itoobiyaan iyo Maleeshiyaadkii dowlada Fd soomaaliya Ee Gobolada Bay iyo Bakool kuwaasi oo saaka si rasmi ah dhowr jiho uga soo galay Gobolka Bakool.

Saaka aroortii hore ayaa waxaa si rasmi ah u soo caga dhigtay Xadka Hiiraan Iyo Bakool ay wadaageen maleeshiyaad Soomaali ah iyo Askar ka tirsan kuwa dowlada Itoobiya oo kaalmaynaya ciidamada Maamuladii Bayiyo Bakool.

Ka dib saacado ay ku sugnaayeen Xuduuda labadaasi Gobol ay wadaagaan ayaa waxa ay bilaabeen ciidamadaasi isku dhafka ah in ay is qeybiyaan isla markaasina ay gobolkaasi Bakool ay ka soo kala galaan dhanka Deegaanka Ceel-Barde iyo Deegaanka Qalaafe Ee dhulka soomaalida Itoobiya.

Maleeshiyaadka Soomaalida ah ayaa waxaa horkacayay G/Xigeenkii Gobolka Bakool Shiine Macali Nuurow iyo Col.C/laahi Macalin taliyii qeybta booliiska Bay iyo Bakool kuwaasi oo shalay galinkii danbe shirjaraa’id oo ay B/Weyne ku qabteen ku sheegay in ay ka qadayndoonaan Gudaha G/Bakool.

Ciidamadan ayaa waxa ay wataan gaadiidka dagaalka oo gaaraya ilaa 20-Gaari iyo kuwa sahayda qaada oo ay wataan askarta Itoobiyanka ah iyadoo ay manta soo gaareen meel duledka ka ah deegaanka Ceel-Barde halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamada Kooxda Alshabaab.

Ma jiro wax iska hor’imaad ah oo dhexmaray ciidamadaasi Soomaalida iyo Itoobiyaanka isugu jira ee maanta galay Gobolka Bakool iyo Ciidamada Islaamiyiinta maamulka u haya xiligan Gobolada Bay iyo Bakool oo xiligan ay muuqato in weerar lagu yahay.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: