Calendar

Dagaalka Web Browsarada, Internet Explorer, Mozilla Firefox, Chrome, iyo Safari, Browsarkee ayaad ugu Jeceshahay

    browsersWaa kuwee Web Browsarada caalamka loogu isticmaalka badan yahay iyo aragtida isticmaalayaasha onlineka.

    Dagaalka Web Browsarada caalamka iyo qaab isticmaalka Soomaalida.
    Waa kee Web Browsarka ay ugu isticmmaalka badan yihiin xarumaha bixiya adeegga Internetka.

    Taariirkhda Web browsers iyo Internet Explorer oo uu hoos u dhac ku yimid.

Bog kiciyayaasha waa adeegga loo yaqaano Web browsers amaba internet browsers waana adeega Software ah oo loo isticmaalo in lagu daalacdo lagula soo baxo isla markaana lagula socda xogta ku kaydsan dhinaca onlineka caalamka iyadoo la beegsanayo sumada www oo laga soo gaabiyay World Wide Web oo ah inaad xogta kala soo baxdo dhinaca onlineka adigoo aqooonsigaaguna uu yahay URL oo laga soo gaabiyay Unifrom Resource Identifier.

Adeegga bog kiciyayaasha amaba Web Browsarada waxaa lagu tilmaama rasmi ahaan adeega micnaha badan u yeelay in wax la isku dhaafsado dhinaca onlineka caalamka iyadoo sidoo kalana Web Browsarku uu yahay adeeg aad wax uga ogaan karto waxa kuugu kaydsan kumbiyuutrakaaga sida muuqaallo, sawiro, faylal iyo barnaamijyada kale ee lagu kaydiyo hard diskiga kumbiyuutarkaaga waxaad dhawr browser ku shuban kartaa hal kumbiyuutar oo aad ku isticmaalayso gurigaaga amaba xafiiskaaga sidooo kalana Web Browsarada waxaa loo isticmaalaa in lagu maareeyo Serfarada bixiya xiriirada gaarka ah ee shirkadaha iyo xarumaha ganacsiga.

Talaabadii Tim Berners Lee.

Timber ners lee/ London/ Isha Wikipedia

Taariikhda web browsarada caalamka waxay kasoo bilaabanaysaa sanadihii 198o maadkii markaaso ay bilaabatay tiknoolajiyadda dhinaca web browsarada, iyadoo bog kiciyihii ugu horeeyay uu ahaa World Wide Web oo uu hormariyay Tim Berners Lee oo la helay 1991 iyadoo markaasi curintiisa loo adeegsaday barnaamijyo software iyo qalabka farsamada Kumbiyuutarka ee hardwareka oo fududeeyay hirgalinta adeeggaasi.

Ted Nelsen iyo Doughlas Engerbert ayaa horumariyay fikrad dhinaca Online ee Hypertext loo yaqaano ka hor intaanu Berners Lee iyo Cern aysan ku dhiirran hirgalinta bog kiciyihii ugu horeeyay dhinaca onlineka caalamka.

Soo ifbixii NCSA Mosaic.

Waxaa muuqatay in in wixii ka dambeeyay 1991 ay soo if baxeen in loo degdego sameynta Web Browsaro cusub iyadoo sanadkii 1993 la soo hindisay Web Browsar loogu magac daray NCSA Mosaic kaasi oo ahaa Web Browsarada muuqaalada qurxoon kiisii ugu horeeyay ee la hindiso waxa uuna wax ka taray isticmaalkii adeega internetka iyo bogaga caalamka.

Mac andreessen iyo Netscape navigator

Muuqaalka Netscape Navigator/ Isha Google Images

Marc Andreessen oo ahaa hogaamiyihii kooxdii hormarisay NCSA Mosaic, ayaa wax yar un kadib bilaabay shirkad gaar uu u leeyahay oo ugu magac daray Netscape waxa uuna sanadkii 1994 sii daayay bog kiciya uu ugu magac daray Netscape navigator kaasi oo durbadiiba noqday bog kiciyaha amaba Web Browsarka caalamka loogu isticmaalka badan yahay uuna gaaray in 90% dadkii waayadasi isticmaalayay adeegga Onlineka caalamka ay isticmaalaan Web Browsarkaasi.

Microsoft soo bandigeedii Internet Explorer

Internet Explorer/ Microsoft

Wakhti yar ka dib sanadkii 1995 shirkadda Microsoft ayaa kusoo biirtay suuqa bog kiciyayaasha caalamka waxayna soo bandhigtay bog kiciyaha ay shirkadda caanka ku tahay ee Microsft Internet Explorer balse loo yaqaano Internet Explorer kaasi oo ay ku lamaanaisay amaba soo raacisay barnaamij kumbiyuutareedka Windows waxayna arintaasi suura gal shirkadda uga dhigtay iney si dhakhso ah kula wareegto suuqa Web Browsarada caalamaka maadama si fudud looga heli karo OS Windows.

Bog kiciyaha Internet Explorer waxa uu durba la wareegay suuqa waxaana la diiwaan galiyay in sanadkii 2002 uu gaaray 95%.

Browserka Opera

Bog kiciyaha Opera

Sanadkii 1996 waxaa kusoo birey suuqa bog kiciyayaasha caalamka adeega Opera oo kamida browsarada caalamka la jecel yahay tirade fiicana ku leh suuqyada onlineka caalamka, waxa uuna Opera can ku yahay adeegsiga internetka ee taleefanada gacanta iyadoo la sheegay in adeegaasi loo isticmaalo in kabada 40 Milyan oo taleefanada gacanta ah.

Mozilla Firefox oo ku faaftay Onlineka

Sanadkii 1998 waxaa soo ifbaxay bog kiciye cariiri galiyay Internet Explorer oo wax badan xadi aad u sareeya ka haystay onlineka caalamka waana adeegga loogu magaca daray Mozila Foundation kaasi oo lagu sargooyay waxa afka qalaad lagu yiraahdo Open Source oo ah in horumariye kaste oo wax ka yaqaana adeegyada Web Browsarada uu ku kordhin karo waxa uu is yiraahdo waxay wax tar u leeyihiin isticmaalayaasha caalamka, adeegaasi oo marar kala duwan magaca laga badalay waxa uu saldhigtay magaca Firefox, iyadoo nakhshado kala duwan horumarin lagu sameeyay ayaa waxa u suura gashay in adeegga Firefox uu noqdo mid kamida WEB Browsarada caalamka loogu jecel yahay.

Safari waxaa curisay shirkadda Apple

bog kiciayaha Safari, Apple

Safari bog kiciyaha lagu magacaabo oo ay mulkiyadiisa leedahay shirkadda apple ayaa isna soo gaaray suuqyada web browsarada iyadoo tijaabadiisa la sii daayay bishii janaayo ee sanadkii 2003 waxaanaa barnaamijku uu noqday inuu sidoo kale ka mid noqdo bog kiciyayaasha loo isticmaalo taleefanada xaragada ee Smartphoneska loo yaqaano sida I Phoneka, Google Androidka, Nokia s60 iyo sidoo kale Os Palm.

Google oo ku soo biirtay suuqa browsarada

Suuqa bog kiciyayaasha waxaa ku soo biirey bog kiciye aad loola dhacay oo ay mulkiyadiisa leedahay shirkadda Google kaasi oo la sii daayay bishii Sep Sandkii 2008 isla markaana ay la dhaceen qaar badan oo kamida isticmaalayaasha bogaga Onlineka caalamka.

2. Web Browsarada caalamka loogu isticmaalka badan yahay iyo aragtida dhageystayaasha
Internet Explorer

Internet Explorer ayaa browsarka ay ugu isticmaalka badan yihiin dadyowga ku nool caalamka waxaa bog kiciyahanai sanadkii 1994 hormarisay shirkadda Microsoft iyadoo lasii daayay sanadkii 1995 waxaa browsarkani taageero looga dhigay OS xiriirka ah ee ay soo saarto shirkadda Microsoft browsarkani waxaa loo yaqaanaa magacyo dhawr ah sida Windows Internet Explorer horayna waxaa loogu aqoon jirey Microsft Internet Explorer hase ahaatee waxa uu can ku yahay Internet Explorer amaba IE.

Intii u dhaxeysay sanadihii 1999 ilaa 2004 waxaa lagu ogaaday in isticmaalayaasha onlineka caalamka aay 95% isticmaalaan browsarka Internet Explorer iyadoo ay jireen bog kiciyayaal badan oo qaar kood ay lamid yihiin amaba ka wanaagsan yihiin Bog kiciyaha IE, Sida la xaqiijiyay bishii April ee sanadkan 2010 waxaa la sheegay in bogkiciyaha internet Explore uu hoos u dhac ku yimid isticmaalkiisa isagoo gaaray 60%.

Boga kiciyahani waxa uu leeyahay nakhshado kale duwan iyadoo ay ugu dambeeyeen nakhshadaha IE7, IE8 iyo waliba IE9.

Mozilla Firefox

Mozila Firefox bog kiciyaha lagu magaaco waxaa mulkiyadiisa leh Mozilla Corporation shirkadda lagu magacaabo, iyadoo browsarkani uu soo maray in dhawr jeer laga badalo magacyada kadib markii uu isku dhac uga yimid dhinaca wax soo saarka, bog kiciyaha Mozilla Firefox waxaa si rasmiya loogu dhawaaqay bishii Feb ee sanadkii 2004 waxaa markiisii hore loo aqoon jirey Phoenix, waxaa dib loogu bixiyay Firebird iyadoo markii dambe uu sal dhigtay magaca Firefox.

Mozilluhu waa adeegga 2aad ee loogu isticmaalka badan yahay Browsarada caalamka marka laga yimaado Internet Explorer iyadoo sanadkiisii ugu horeeyay la dajistay ilaa 100 Milyan oo kamida browsarkaasi, sanadkii la sii daayay ee 2004 ilaa iyo bishii November ee sanadkii 2008 waxaa la diiwaan galiyay in la daijistay 700 Milyan oo browsarka Firefox ah.

Mozill firrefox waxaa  haatan lagu qiyaasaa inuu suuqa haysto 23%, waxaana lagu sameeyay isbadelo farabadan tan iyo wakhtigii la sii daayay iyadoo nakhshado badana uu ku soo baxayay kuwaasi oo horumariyay isticmaalka adeega onlineka isla markaana raali galiyay qaar badan oo kamida bulshada caalamka ee dhinca onlineka.

Mozila firefox waa browser ku salaysan waxa loo yaqaano Open Source oo ah in horumariye kasta uu kusoo kordhin karo adeegga uu is yiraahdo waxbuu ka taryaa adeegga internetka uu bulsho weynta caalamka.

bishii April ee sanadkani waxaa lagu sheegay browsarka Firefox inuu isticmaalkiisu gaarsiisan yahay 25% isticmaalayaasha onlineka caalamka.

Bog kiciyaha Safari

Bog kiciyaha Safari, waxaa leh mulkiyadiisa shirkadda Apple ee caanka ku ah taleerfanada I Phoneka, Browsarkani waxa lagu isticmaali karaa Os Mac, Os Windows iyo waliba OS taleefanada I Phoneka iyo qaar kamida taleefanada xaragada.

Browsarka Safari waxaa si rasmiya loo sii daayay bishii janaayo ee sanadkii 2003 iyadoo bishii Maarso ee sanadkii 2009 uu gaaray isticmaalka browsarkani wax ku dhaw 9%.

Waxa uu leeyahay nakhshado kala duwan iyadoo nakhshada Safari 4 markii lasii daynayay tijaabadeeda lagu sheegay iney leedahay muuqaalo badan sida adeegga Voice over screen Loader oo ah adeeg si kore u akhrinaya qoraalka shaashada aad saarato, ee qoraalada caadiga ah iyo sidoo kale bogaga aad booqanayso, iyadoo sidoo kalana lagu timaamay inuu leeyahay dhamaan adeegyada daruurioga u ah isticmaalayaasha bogaga onlineka caalamka, iyadoo bog kiciyahani loo isticmaali karo dhamaan waxa loo adeegsado bog kiciyayaasha kale.

Bog kiciyaha Google Chrome

Google Chrome, Google Inc

Waxaa jira bog kiciyaha lagu magacaabo google Chrome oo ay mulkiyadiisu shirkadda weyn ee google waxaa browsarakani la sii daayay bishii Septemper sanadkii 2008 iyadoo bishii April ee sanadkan la sheegay in google Chrome iyo browsarka Safari ay haystaan wax ku dhaw min 8% wax ku dhaw isticmaalka browsarada caalamka.

Hadaba si aan wax badan uga ogaano qaab isticmaalka Soomaalida ee Web browsarada ugu caansan caalamka ayaa waxaan khadka taleefanka kula xiriiray:

  1. Cabdishakuur Maxamed oo ah agaasimaha shirkad dhinaca isgaarsiinta onlineka ah oo lagu magacaabo sim 2 phone iyo waliba.
  2. Zakariye Bashiir oo isaguna ah aqoon yahan bartay culuumta kumbiyuutarka iyo adeegga internetka, isagoo dhinaca farsamada u jooga shirkad lagu magacaabo Rasmitel oo adeegga isgaarsiinta ka bixisa magaalada Nairobi ee caasimadda Kiinya.

Fikradaha dhageystayaasha

Dhageystaaysheena oo ku kala firirsan caalamka waa uu ruux waliba toos u abaaray borowsarka uu ugu jecdl yahay amaba uu isticmaalkiisa ugu badan yahay.

Ubax abdukadir Muuse, Norway: waxaan aad u jeclahay isticmaalka browserka Google Chrome waayo waa uu dhakhsiyo badan yahay dhinaca page rogidda iyo dhinaca xasuusta oo ay ku sheegtay markii aad waxaad horey u galisay ka raadinayso uu sahalk kuugu xirayo, Mahasanidiin Bar-kulan.

M-khadar Ibraahim, China: walaal waan idin salaamay aniga waxaan aad u jeclahay Google Chrome freegate704, freegate 705  iyo waliba kii ugu dambeyay ee ahaa freegate 706 dhamaantood waa web browsers laakiin maahan kuwo la siman Explorerka ama Goolge Chrome, waayo waxaa loo isticmaalaa wabsiteyada qaarkood aan u furneen wadamada qaarkood tusaale ahaan waxaa wadamada qarkood laga isticmalin facebook, myspace, hi5, Youtube iyo waliba qaar kaloo badan sidaas daraadeed webkaas freegate wuxuu u sahlaa dadka in ay ku jabsadaan websiteyada ka xeran wadanka isagoo markii aad soo downloud greyso isla markiiba badalayo IP computerkaada.kana dhigayo in aad wadan kale joogto. waxaa horantii hore looyaqaanay dynamic freegate.

Ahmed Hassan, Nairobi Kenya: Waxaan la yaab lahayn hoos u dhaca ku yimid addeegsiga Internet Explorer maxaa yeelay waxaa jira dagaal xooggan oo u dhaxeeya browserada tan iyo xiligii uu soo ifbaxay Internetka, anigu Axmed ahaan waxaan u jeclahay browser-ka Google Chrome.

Waxaan in badan soo isticmaali jiray Internet Explorerka oo aan ku qabay dhibaatooyin badan oo ka mid yihiin is jaam gareyn, is-xirid, bogaga oo culeys noqda iyo cilad xaga download-ka ah. Waxaan sidoo kale isticmaali jiray Firefox, isna waa culeys, muuqaalkiisana ma qurux badna.

Hadaan u soo gudbo Google Chrome waa browser aad u wanaagsan, hadana sophisticated ah, lehna dhamaan awoodaha uu leeyahay Internet Explorerka, kana dhakhsiyo badan Internet Explorerka. Wuxuu sidoo kale leeyahay features cajiib ah oo isagu uu khaas u leeyahay sida copy image url iyo kuwa kaloo badan, Chrome is the best.

Khadar Ismail, Nairobi, Kenya: Google Chrome ayaan ugu jeclaahay waayo aad ayuu u fududyahay isticmalkisa. sido kale si toos wuxu ugu xiran yahay pageka wax baariadda ee Google.

Mohamed B. Midnimo, Holland: hadii Internet Explorer wax laga badalo xawaarihiisa iyo adeegyada u gaarka ah isaga ayaa ka fiican ayaan leeyahay browsarada kale.

Khadar Shir, Pakistan: Google Chrome ayaa ugu wanaagsan, sababtana waxaa ay tahay waa uu ka dhakhso badan yahay browsers-ka kale, Google Chrome, waa browser ay dadku inta badan waa yahaan isticmaalkiisu u weecdeen waxana taas u sabab ah dhakhso badnida & adigoo ka heli kara macluumaad ka badan kuwa kale.

Sameer Adams: adeegyada aan isticmaalno inta aan ka aheen Operating System oo barnaamij kiciyaha kumbiyuutraka ka aan isticmaalo, inta kale waa wax soo saarka Google… hadana waxaan sugno waa Chrome OS oo mar dhow suuqyada soo gali doono.

Faarax Wacays Faarax, Buulo xuubey ee magaalada Muqdisho waxa uu leeyahay aniga waxaan ku sugunahay magaalada Muqdishu waxaana inta badan ii fududeeyo inan netka soo galo telkayga gacanta ama mobilkayga waxana ku isticmaala opera mini browser oo aan inta badan u isticmaalo ina web pageyada kagalo hadana sxb sidaasoo ay tahay culays ayaan kala kulmaa runti waxaa kale oo jira isna bolt walaw aan u badanahay opera sidaas oo ay tahayna kuma qanacsani speedkiisa xagiasa waadna mahad santhiin Bar-kulan.

Cabdishakur Nuur Cabdi: marka hore waan idin salamay marka xigta hadan ka hadlo browser addunka la isticmaalo maalinba maalinta ka danbeysa tiknoolajiyada waa sii hormareysa sanadkii 1991 ayaa ugu horeysa browser la isticmaalo wuxuuna ahaa WorldWideWeb first browser magacan ayaa lagu badalay (Nexus)sido kale waxaa jiray ViolaWWW, Erwise,MidasWWW,MacWWW’ SAMBA loo yaqinay.hadaba sanadka aan ku jirno 2010 kuwa ugu fiican browsers la isticmaalo waxey kala yihiiin: Internet Explorer 8 (IE8), Safari 5, Firefox 3.6.4,Opera 10.53,Chrome 5 hadaba hadan isku bar bar dhigno shantaaas browser midka ugu fiican sanadkii 2009 waxa ugu fiicna Firefox sidax wax yalood ayaa lagu qimeya browserka sanad walbo marka waa in uu ahada mid xawarahiisa sareeyo Amnigisa sareya Secure and reliable 2010 kaalinta kowaad waxa ku soo baxay oo isku qatay Chrome 5 very fast, secure, and reliable.

Abdukadir Boss, Nairobi Kenya: Aniga waxaamn isticmalaa Mozilla firefox iyo Google chrome labadaas ayaa ii sahla in aan shaqooyinkeyga si halaasi ah ku dhameysto , lakiin Internet Explorer ka aad buu iigu culusyahay dhabtii xitaa webebka qaar awood uma lahan in uu soo bandhigo mahadsnidiin Bar-kulan waa wax jira oo aan kol badan is weydiinay.

Ahmed Vidic, Sweden: Waxaan isticmaalaa Safari, Google chrome,iyo Flock , waxaan si saa’id ah u isticmaalaa web browserka lagu magacaabo Flock , waxaana la filayaa in dhowaan la dhameeystiro IE9 Internet Explorer 9 oo isna ah mid ka dhakhsiyo badan kuwa hadda jira.

Mohamed Atm Mascud Nairobi Kenya: Aniga waxa aad u jeclahay isticmaalka Google Chrome anigoo ka egayaa howl fududeynta iyo barnaamijkadiisa oo aan culeys badan ku fadhinin sida IE iyo Opera oo kale kuwaas oo aan arkay iney ku jiraan culesyo dhawr ah.

Maxamed Cali: aniga waxaa aad ii qanciyay Opera kaas oo ah kan iigu Kharashka yar ahna kan igu anfacay inaan ka isticmaalo mobilekayga balse hadaan helo kombiyuutar waxaan ka galaa Internet Explorer mahadsanidiin Bar-kulan.

Best Somali St: aniga waxan isticmaalaa freegate browser oo kulli kaga leh waxa aa meesha kusoo qortey

Jaantuska isticmaalka bog kiciyayaasha Caalamka

Isticmaalka browsarada 2010

Barnaamijka oo dhameystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggaan qeybtiisa hoose.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

W.D Cabdiqafaar Shire

Xigasho: Bar-kulan

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Tiknoolajiga.
« »

Comment: