Dagaallo Goordhaweyd Ka Qarxay Galbeedka Magaalada Kismaayo

Posted on Nov 21 2009 - 5:08pm by News Desk
Tweet
Pin It

breaking news

Bartamaha(Kismayo):- Dagaaladan oo u dhexeeya xoogaga maamulka Xarakatu shabaabul mujaahidiin ee gobollada jubooyinka iyo ciidamo uu horkacayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axned madoobe) ayaa goordhawyd ka qarxay deegaanka Sooya oo 10km dhanka galbeed kaga beegan Janaa Cabdalle.

Dagaaladan ayaa lagu soo waramayaa in salaadii maqrib kadib ay ka qarxeen deegaankaasi wallow aan la ogeyn qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay dagaaladaasi.

Madaxa warfaafinta maamulka islaaamiga ah ee gobollada jubooyinka Sheekh Xasan Yacquu Cali oo la hadlayay qaar kamid ah saxaafadda gobolka J/hoose ayuu sheegay in ciidamada Maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ee hoostaga xarakatu shabaabul mujaahidiin ay qaadeen dagaalka ayna ku qaadeen goob uu sheegay in ay isku uruursanayeen ciidamo daacad u ah Axmed madoobe iyo xoogaga ONLF oo garab siinayay waa siduu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Dhinaca xoogaga uu wato Axmed max’ed islaam (axmed madoobe) oo isagu xubin sare ah ururka Xizbul islaam islamarkaasina dagaal kula jiro xoogaga xarakatu shabaabul mujaahidiin ee ka arimiya gobolkani j/hoose.

Dagaallada kasoo cusboonaaday galbeedka magaalada kismaayo ayaa iyagu ah kuwo soo noqnoqday horaantii todobaadkii aynu soo dhaafnay ayay ahayd mar dagaallo ay ku dhinteen 10, 8 kalena ay ku dhaawacmeen ay labada ciidam ee xarakatul shabaabul mujaahidiin iyo xizbul islaam uu ku dhex maray degmada Xagar ee gobolkani j/hoose.

Wixii kasoo kordha Dagaaladaasi oo weli soconayo dib ayaan idinka soo gudbin doonaa haduu alle ka raali noqdo.