(DAAWO SAWIRADA) Dowlada Soomaaliya oo soo bandhigtay Maydka Nin ay ku tilmaantay Ajnabi Dad badanina ay yiraahdeen waa Soomaali

Posted on Jul 11 2009 - 6:11pm by News Desk
Tweet
Pin It

wiil la dilayBartamaha(Muqdisho):-Ninkan oo aan ilaa haatan la aqoonsan dalka uu u dhashay dadka qaarna ay noo sheegeen inuu yahay wiil Soomaali ah oo reer Minneapolis ah ayaa maanta Sarakiil ka tirsan Dowlada Fd Soomaaliya waxa ay ku soo bandhigeen Xarunta Madaxtooyada.

wiil la dilay 2Madax ka tirsan Dowlada Fd Soomaaliya yaa maanta saxaafada u soo bandhigay maydka Ninkan midabka Cadiin ah leh kaasi oo lagu soo bandhigay Xarunta Villa Somalia.

Xildhibaan Salaad Cali Jeele iyo Afhayeenka Ciidamada Militariga Dowlada Fd ayaa joogay goobta Saxaafada lagu tusayay Maydka Ninkaasi Cadaanka ah iyadoo ay Ciidamada Amisom la wareegeen maydka ninkaasi.

Xildhibaan Salaad Cali Jeele oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ninkaasi ay ku dileen Dagaalkii Maanta ay Islaamiyiinta kula galeen Degmada C/Casiis Ee Muqdisho halkaasi oo uu ka dhacay dagaalkii ugu cuslaa.

carsaanyo.psd“Dagaalka Maanta waxaan ku leynay ajaanin dhimasha doon ah kuwaasi oo qaarkood aan dilnay,kuwa kalana gacanta aan ku hayno,waxaa Muqdisho kaliya joogta in ka badan 5000-shisheeye dhimasha raadis ah”ayuu yiri Xildhibaan Salaad Cali Jeele.
Warar naga soo gaarya Minneapolis ayaa noo xaqiijinaya in wiilkani uu deganaa magaalada Minneapolis uuna ka mid ahaa dhallinyaradii laga waayay gobolka Minnesota oo loogu magacdaray “Missing Kids of Minnesota” laakiin ilaa iyo hadda ma kala cadda in dowladdu ay ka run sheegayso wiilkan.

03.psdXildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ninkaasi uu ahaa sargaal ajnabi ah isla mar’ahaantaana ay baaritaano ku samayn-doonaan si ay u ogadaan dalka uu u dhashay isagoo sheegay in xilli waliba ay soo bandhigayaan dowladooda maydadka ajaanibta dagaalada ay ku qabtaan ama ay ku dilaan.

Warar hoose ayaa sheegaya in ninkaasi uu ahaa naftiis hure ku soo duldhacay goob ay joogeen Saraakiisha Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya isagoo la sheegay in uu rasaas ka soo bilaabay goob u jirtay halkii ay saraakiishaasi ku sugnaayeen wax ka yar 10-Mittir.

Ninkaasi ayaa la sheegayaa in uu dilay Saraakiil Dowlada Fd ka mida oo uu ku jiray Taliyihii Ciidamada aaga Dagaalka Deg. C/Casiis kaasi oo ahaa Agaasimihii Nabad-Galyada Maamulka Gobolka Banadir Nuur Xasan Cali (Nuur-Daqle) iyo saraakiil kale oo aanay inuu suurta galin in aan magacooda ogaanno.

wiil la dilay 3

Sirta iyo qaabka Dilkaasi u dhacay iyo wararka xaqiiqda ah Ee ugu danbeeya waxaad kala socon kartaan:

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com